Shisoofrani
Caafimaadka maskaxda: miyaa ay ku saameysay
dhaqaale xumadu? Waanu soo dhaweynaynaa aragtidaada.
Qoraalkan yar wuxuu ku sabsan yahay
Qoraalkan yar waxa uu ku caawin karaa
hadii:
- adiga lagugu sheegay cudurka shisoofrani
- adigu aad is leedahay waxaad qabtaa
shisoofrani
- adigu aad taqaano qof lagu sheegay
shisoofrani
- aadigu aad kaliya rabto inaad wax dheeraad ah
ka ogaato shisoofraniga
Waxa ay guud mareysaa:
- waa maxay lahaanshaha shisoofrani
- maxaa sababa
- maxaa caawin kara
- side la isku caawiyaa
- macuumaadka qaraabda
Maxaynu ereyga "S" u adeegsanaa?
'Shisoofrani' waa eray dad badan warwar
galiya. Saxaafada ayaa inta badan u adeegsata — si aan sax aheyn oo
cadaalad daro ah — si ay u qeexaan daqaal iyo carqalad. Sidaas
daraadeed maaha mid lala yaabo in dad badan sheegida cudurkan u
arkaa midaan fiicneyn. Waxa loo dareemi karaa in qof adiga kugu
qiimeeyay qof dagaal badan oo aan is maamuli kareyn — marka aanad
taas aheyn.
Waxaan ereyga 'shisoofrani' u isticmaali
doonaa maadaama aan la isku raacin mid ka fiican oo qeexaaya
calaamado iyo dabeecada isku sifo ah oo halkan lagu soo qeexi
doono. Xataa hadii aanad kalmada u arag mid fiican. Waxaanu wali
rajeynaynaa in warbixinta qoraalkan yar inay wax kuu tari
doonto.
Waa maxay shisoofrani?
Isbedel ku yimaada maskaxda kaas oo saameeya
sida aad u fikirayso, dareemayso iyo u dhaqmeyso. Calaamadeheega
inta badan waxa loogu yeedhaa 'togane' ama 'tabane'.
Calaamadaha `Toganeha' ah
Kuwaas waa dareen aan caadi aheyn. Dad badan
ayaa qaba marmarka qaarkood iyadoo aanay wax dhibaato ah aheyn.
Shisoofraniga, waxay yihiin qaar ka sii badan, dhibaato badan
maanka haysta oo dhib wata.
Hadrida
Isla hadridu waxay dhacdaa marka uu qofku,
maqlo, uriyo, dareemo ama arko wax – laakiin waxaas oo aanay
sababin wax (ama qof) agtaada jooga. Ta caadi ahaan ugu badan waa
in codad la maqlo.
Waa noocee codadku?
Waxay u eeg yihiin qaar dhab ah. Waxay u eeg
yihiin caadiyan inay adiga banaankaaga ka imanayaan, iyadoo laakiin
dadka kale aanay maqli kareyn. Waxaad maqli kartaa inay meelo kala
duwan ka iman karaan, ama waxay u eeg yihiin inay meel ama shay
gooni ah ka imanayaan. Codadku adiga ayay kula hadli karaan ama
iyaga adiga kaa sheekeysan kara — waxay noqon kartaa adigoo cid kaa
hadlaysa dhageysanaaya. Waxay noqon karaan qaar fiica, laakiin
intooda badan waa ay xun yihiin, wax ku xadgudbaaya ama
dhibaaya.
Sidee ayay dadku uga jawaabaan
taas?
Waxa laga yaabaa iska indho tirto, ama aad u
jawaab celiso — ama aad ku qeyliso hadii ay qaylinayaan ama ku
dhibayaan. Waxa laga yaabaa inaad dareento inaad sameyso waxay kuu
sheegayaan inaad sameyso, taxaa adigoo og inay tahay inaana d
sameynin. Waxa laga yaabaa inaad is tidhaa waxay ka imanayaan
mikrifoon qarsoon, sameecadaha ama ruuxda.
Xagee ayay ka imanayaan?
Codadku maaha male awaal — runtii waad
maqleysaa – laakiin waxa sameynaysa waa maskaxda. Raajada skaanka
ayaa tustey in qeybta maskaxda ee 'infiimisa' markaad codadka
maqasho waa isla meesha shaqeysa markaad hadlayso, ama aad kalmado
maskaxdaada iskugu geyso. Maskaxdu waxay isku qaladaa fikirkaaga,
ama 'hadalkaaga hoose', oo ay codad dibada ka imanaaya u
qaadato.
Miyay dadka kale qaarkood maqlaan
codad?
Waxaad kale oo aad codad maqli kartaa isku
buuqida xun. Waxay u eeg yihiin qaar ka fudud, iyagoo ku
celcelinaaya kalmadaha, odhaah ama fikir xun kolba.
Waxa kale oo aad maqli kartaa codad aan
noloshaada saameyn. Waxa laga yaabaa inay qaar fiican yihiin, ama
aan qeylo badneyn, ama dhaca kaliya marmarka qaarkood. Codoadkaasi
sida caadiga ah uma baahna wax daaweyn ah.
Noocyada kale ee hadrida
Waxa laga yaabaa inaad aragto waxyaabo aam
meesha jooogin, ama aad uriso ama dhadhamiso waxyaabo aan meesha
joogin. Dadka qaarkood waxay qabaan dareen xanuun ama dareeman in
cid taabatey ama wax ku dhufatey.
Khiyaali
Khiyaaligu waxa uu dhacaa marka qofku uu wax
aaminsan yahay — iyo iyaga oo aan hubin — iyadoo dadka kale ay is
leeyihiin waxaad qalad u fahantey waxa dhacaaya. Waa sida adiga oo
wax u arkaaya si ka duwan dhamaan sida dadk kale wax u arkeyaan.
Wax shaki ah kama qabtid, laakiin dadka kale waxay u arkaan waxaad
aamisan tahay inaad qalad u fahantey, aan suurto ama caadi aheyn.
Hadii aad isku deydo inaad fikradahaadga cid kala hadasho, wax
micne ah uma sameyso iyaga ama ma sharixi kartid 'kaliya sida' sida
ka qeybta ah dhaqankaaga, aasaaskaaga ama diintaada.
Sidee ayay ku bilaabantaa?
- Waa ay kugu habsan kartaa adigoo ugu
danbey aad fahmi doonto waxa dhacaaya. Taasi waxay imaan kartaa
todobaadyo ama bilo kadib markaad dareentey inay wax dhaceen,
laakiin aanad qiyaasi Kareyn waxa dhacaaya.
- Fikrad khiyaali ah ayaa noqon karta hab
lagu qeexo hadrida. Hadii aad maqasho codad kaa hadlaaya, waxaad ku
qeexi kartaa iyada oo ay hay’ad dawladu ahi ku daba
socoto.
‘Shakiga’ khiyaaliga
Kuwaasi waa fikrado adiga kaa dhigta in lagu
dabo socdo ama lagu xasaradeynaayo. Waxay noqon karaan:
- caadiyan — waxaad dareemaysaa in MI5
ama dawladu ku basaaseyso adiga. Waxaad is odhan kartaa in
kuwa dad kale ay adiga kugu saameynayaan awood ama
tegnoolajida ay haystaan.
- maalin kasta – waxaad aamini doontaa in
sadkaagu uu ku gogol dhaafaayo. Waxa kaa dhaadhacsan macluumaad cad
oo aad hayso laakiin dadka kale aanay arki kareyn.
- cadho keenaaya — dareenka in lagu dabo
socdo ayaa kaa xanajinaaya. Waxa kale oo ay noqon kartaa qaar
warwar galisa dadka aad u aragto inay ku daba socdaan, khaasatan
hadii aad ku dhawdahay, sida qoyskaagaa.
Fikradaha la tixraacaayo
Waxaad u arki micne gaar ah oo maalmaha
caadiga ah ay kuu sameyn doonaan. Waxaad dareemaysaa in ay
waxyaalahu dhacayaa adiga kugu xidhan yihiin — barnaamijkaa
raadyowga ama TV-ga adiga ayuu kaa hadlaayaa, ama qof ayaa wax si
qaldan kuugu sheegaaya, tusaale ahaan, midabka gaadhiga dariiqa
maraaya.
La qabsashada khiyaaliga
- Khiyaaligu wuxuu uu saameyn ama aanu
saameyn karin sidaad u dhaqanto.
- Waa ay adkaan kartaa in dadka kale
lagala hadlo taas — waxaad aqoonsan doonta inaanay fahmi
kareyn.
- Hadii aad dareemayso in dadka kale ku
dhaawici ama khatar ku geysan doonaan, waxaad isku deyi inaad
kaligaa ahaato. Hadii aad xaqiiqatan dareento khatar, waxa laga
yaabaa inaad isku deydo inaad iska difaacdo.
- Waxa laga yaabaa inaad dareenkaaga ka
baxsato adigoo kolba meel u wareegaaya. Dhowrkii maalmoodba ama
todobaadba ka dib kolba meel cusub u wareegaaya. Dareenku waa uu
kolba soo noqdaa.
Wax isku qasaaya (ama 'qaska
fikirka')
Waxa kugu adkaaneysa inaad wax ahmiyada saarto
— taas oo kolba kugu sii adkaaneysa:
- dhamee maqaal joornaalka ah ama daawo
barnaamij TV-ga ilaa dhamaadka.
- sii wado dugsiga ama kuliyada
waxbarashadaada
- maskaxdaada ku hay
shaaqadaada
Fikradaadu waa ay is badbadelaysaa iyoadoo
kolba meek ku dhacaysa — laakiin ma jiro wax xidhiidh ah oo ka
dhaxeeya. Hal daqiiqo ka dib ma xasuusatid waxaad maskaxda hore uga
fikiraysay, dadka qaar ayaa fikirkooda ku sheega inuu yahay
'Ceeryaan' ama mid 'Dhado' leh marka ay tani dhacdo. Marka
aanu fikirkaagu iskugu xidhneyn sidan, waxa kugu adkaan karta inay
dadka kale ku fahmaan.
Dareemaaya in lagu
maamulaayo
Waxaad dareemaysaa in:
- fikirkaagu uu mar kaliya lumey — sida
in qof uu maskaxdaada kala baxay;
- fikirkaagu uu u muuqdaa inaanu aheyn
kaagii — waa sida in uu qof kale dhigay maskaxdaada;
- in jidhkaagii la qabsadey, ama in la
maamulaayo sida caruusad ama robot.
Dadka qaar ayaa ku qeexa dareenkan iyagoo is
leh waa raadyowga, telefishanka ama ilayska layserka ama in aalad
la dhex galiyey. Dadka kale waxay eeda saaraan falka, ruuxda
cadheysan, Ilaahey ama shaydaanka.
Calaamadaha `tabaneha ah'
- Waxaad bilowdaa inaad lumiso fikirkaaga
caadiga ah, dareenkaaga iyo ahmiyadaada.
- Waxaad lumisaa xiisaha nolosha.
Awoodaada, xasaaskaaga 'kac-oo-soco' waa ay kaa dhamaataa. Waa ay
adagtahay inaad wax xiiso galisoama ama aad wax ka
hesho.
- Waxna ahmiyada ma saari
kartid.
- Dan kama lihid inaad kacdid ama dibada
u baxdid.
- Waxa aad iska deysaa inaad meydhato ama
dharkaaga nadiifiso.
- Dadka ayaa ku dhiba
Dadka wey ku adkaataa in calaamadaha tabanaha
ah u arkaan qaar dhab ah — ee aanay aheyn kaliya caajisnimo. Taas
ayaa adiga iyo qoyskaagaba idinku adkaan doonta. Qoyskaagu waxay
kaliya is leeyihin inaad u baahan tahay inaad adigu sidan isku
dhaanto oo aad wax qabsato. Ma sharixi kartid taas. Ma kartid
kaliya. Calaamadaha tabanaha ah waa ay ka dhacdooyin yar yihiin
kuwa toganeha ah. Calaamadaha, ayaa laakiin noqon kara qaar ay adag
tahay in lala noolaado.
Miyuu qof kasta oo qaba shisoofrani leeyahay
calaamadahan?
Maya. Waad maqli kartaa codad iyo calaamado
xunxun laakiin aanad lahaan fikrado khiyaali ah. Dadka qaar leh
fikrada khiyaali ah ayaa leh waxoogaa saameyn kharat ah. Hadii
kaliya aad leedahay fikirto iyo calaamado xunxun, waa laga yaabaa
inaan la garan sanado badan. Waxyaalah kale ee kamida waa:
Lumista "fahan"
Waxa la dareemayaa in dadka kale oo dhan ay
qaldan yihiin, inaanay kaliya fahmeyn waxyaabaha aad adigu karto.
Waxaad dareemaysaa in dhibaatadu tahay aduunka intiisa kale, oo
aanay adiga aheyn.
Isku buuqida
- Hadii ay markii ugu horeysay kugu
dhacdo shisoofrani, waxa jirta fursad ah 50-50 in aad isku buuqdo,
caadiyan ka hor intaanad helin calaamado cadcad.
- Ilaa 1 kiiba 7 qof oo leh calaamado sii
socda ayaa isku buuqi doona. Taas waxa loo si qalad ah loogu qaadan
karaa calaamado xunxun.
- Daawooyinka cudurada maskaxda ayaa lagu
eedeeyay— laakiin cilmi baadhistu waxa tustey in ay isku buuqida
shisoofrani wax ka taraan.
- Hadii aad qabto shisoofrani iyadoo aad
dareemayso inaad isku buuqayso, hubi inaad qof u sheego iyo inay
khatar kuu qaataan.
Ma caadi baa
shisoofrani?Waxay saameysaa 1 qof 100 kiiba inta
xiliga noloshooda ah.
Ayay ku dhacdaa?
Waxay si isku mid ah u saameysaa raga iyo
dumarkaba iyadoo ku badan meelaha magaalada iyo dadka laga tirade
badan yahay oo gaar ah. Waa ay adagtahey inay ku dhacdo inta ka
horeysa da’da 15 jir. Laakiin waxay bilaabmi kartaa wakhti kasta oo
xiligan ka danbeeya, inta badan da’da u dhaxaysa 15 ilaa 35.
Maxaa keena shisoofrani?
Ma hubono ilaa hada. Waxa suurto gal ah inay
tahay waxyaabo isku jirjira, taas oo dadka u kala duwanaan
doonta.
Faraca
Iyadoo kaliya 1 qof 100 kiiba qabo
shisoofrani, ilaa 1 qof 10 kiiba oo qaba shisoofrani waxa uu
leeyahay waalid qaba cudurka.
Mataanaha: mataano isku mid ah waxay leeyihiin
farac la mid ah ka walaalkeed ama walaalkii, ilaa qurubka ugu yare
ee DNA-da, Hadii uu mid ka mid ah mataanahu uu leeyahay
shisoofrani, ka kalena waxuu qabaa fursad ilaa 5foerever0:50 inuu
qaado.
Mataanaha aan isku midka aheyn waxay
leeyihiin farac aan isku mid aheyn. Hadii mid ka mid ahi uu
leeyahay shisoofrani, khatarta mataanka kale waa mid wax yar ka
weyn ta walaalaha kale. Aqoontan la helay waa isku mid xataa hadii
mataanaha lagu soo koriyo qoysay kal duwan.
| Qaraabada leh
shisoofrani |
Fursada shisoofranidu kuugu
dhacayso |
| Midna |
1 qof 100 kiiba |
| 1 waalid |
1 qof 10 kiiba |
| 1 mataano isku mid ah (faraca isku midka
ah) |
1 qof 2 diiba |
| 1 mataanaha aan isku midka (faraca kala
duwan) |
1 qof 8 diiba |
Dhaawaca maskaxda
Raajada skaanka waxay tustey inay kal duwan
yihiin maskaxda dadka qaar ka mid ah oo qaba shisoofrani — laakiin
aan aheyn kuwa kale. Meesha ay halkaa jirto, waxay sababtu noqon
kartaa inaanay qeyb maskaxda ahi u korin si aan caadi aheyn maxaa
yeelay.
- Dhibaato xiliga umusha taas oo in maskaxda
ilmahu aanuu helin hawada uu u baahnaa
- Infekshan feyrus ah oo xiliga hore ee uurka
ku dhacda.
Daroogada iyo khamrada
Marmarka qaarkood, daroogada dibada ayaa u eeg
inay keeno shisoofrani.
Amfetamiinka ayaa kuu keeni karta calaamadaha,
laakiin waa ay kaa tagtaa markaad iska deyso qaadashadooda. Ilaa
hada ma ogin in maandooriyayaashan ay kuu keeni karaan calaamadaha
dhimirka, kalidood sababi karaan xanuun mudo dheer, laakiin waa
laga yaabaa inay sababaan hadii aad tahay qof nugul.
Waa ay dhib yaraan kartaa inaad isticmaalida
alkohoolka iyo daroogadu kuu sahlaan la qabsashada, laakiin tani
waxay taas ka sii dhigtaa mid ka sii xun.
Kannabiska
- Isticmaalida badan ee kannabiska ayaa laban
laabta khatarta ay ku imaanayso shisoofraniga. Cilmi baadhis had la
sameeyey ayaa in nooca adeg ee kannabiska, sida nooca qashinka, ay
kor u qaadi karto khatarta.
- Waa ay sii kordheysaa khatartu hadii aad
kannabis isticmaalkeda bilowdo da’ yar.
- Hadii aad taas u cabtey si aan joogto aheyn
(in ka badan 50 jeer) xiliga dhalinyaranimadaadii, saameyntu waa ay
ka sii badanaysaa — waxaad tahay iaal 6 jir mid uga fursad badan in
ay kugu dhacdo shisoofrani.
Istareeska
Khatartu inta badan waxay dhacaan wax yar ka
hor intaan calaamaduhu ka sii xumaan. Waxay noqon karaan sida
xaalad kadis ah sida shil gaadhi, dhimasho ama guriga oo aad ka
guurto. Waxay noqon kartaa dhibaato maali walba taagan, sida
dhibaato qaxbarashada ama shaqada ah. Istarees wakhti dheer, sida
xurgufta qoyska, ayaa iyaguna ka sii xumeyn kara.
Dhibaatada qoyska
Hal mar waxa dadku qabeen in xidhiidh xumada
qoysku keento shisoofrani. Taasi uma eeka sababta. Hase yeeshee,
hadii aad qabto shisoofrani, xurgufta qoyska aya ka sii xumeyn
karta.
Caruurnimo adag
Sida kuwa kale ee cudurada maskaxda,
shisoofranidu waa ay kugu dhici kartaa hadii carruurnimadaadii
lagaa xumeeyey ama jid ahaan ama galmo ahaan lagu xumeeyey carruur
nimadaadii.
Waa maxad dagaalka shisoofrani?
Dad tiro yar oo qaba shisoofrani ayaa noqda
qaar dagaalama — jidhkooda ayay inta badan dhaawacaan laakiin waxay
dhaawacaan dadka kale. Taas waxa keeni kara dareen ah xukumid ama
codad u sheegaaya inay taas sameeyaan — inta badan waa
labadaa oo isku jira. Waa ay ka sii badan tahay hadii dadku
isticmaaleen daroogo iyo khamrada.
Rajada
Dad badan oo qaba shisoofrani uma baahna inay
hada cosbitaal galan iyagoo degay, shaqeeya oo leh xidhiidh qoys oo
waara.
Ilaa 5 qof oo qaba shisoofrani:
- 1 ayaa ka roonaan doona ilaa shan sano marka
ay calaamadooda ugu cad helaan
- 3 ayaa ka roonaan doona, laakiin ay ku dhici
doonto xiliyo ay ka xumaan doonaan hadana
- 1 ayaa yeelan doona calaamado dhiba oo wakhti
badan waara.
Maxaa dhici
doona hadaan la daaweyn?
Hadii kaliya aad maqasho codad, oo aanad waxba
ka qabin aanay saameyn ku lahey noloshaadana, waa laga yaabaa in
aanad wax caawimo gaar ah u baahneyn. Hase yeeshee, hadii codadku
noqdaan qaar qeylo badan ama qaar aan wanaagsaneyn (ama hadii
calaamado kale ay soo kordhaan), kadibna waa in aad dhakhtar kala
hadasho.
Is dilku waa uu ku badan yahay shisoofrani —
khaasatan hadii qofku uu leeyahay calaamadaha, uu isku buuqo, aanu
wax daawo ah helay ama uu caawimo tii aad heli jirtey ka yar
helaayo.
Cadeyntu waxay tusaysaa in hadii shisoofrani
la daaweeyo xili hore ay:
- ay kayar tahay inaad cosbitaal u gasho
- ay ka yar tahay inaad u baahato kaalmo badan
oo guriga
- hadii aad cosbitaalka timaado, waxaad joogi
doonta halkaa wakhti ka yar
- maa ay ka badan tahay inaad si caadi ah oo ka
madax banaan ugu shaqeyso ama ugu noolaato.
Daaweynta
Hadii aad qabto calaamadaha shisoofrani markii
kuugu horeysay, waa inaad daawooyinka ugu bilowdo sida ugu dhakhsah
badan.
Malaha uma baahnid inaad cosbitaal aado,
laakiin waxaad u baahan tahay inaad la kulanto dhaktarka dhimirka
iyo kooxda caafimaadka maskaxda ee bulshada. Iyaga ayaa caadiyan
qorsheyn doona daaweyntaada guriga. Xataa hadii ay qasab noqoto
inaad cosbitaalka timaado, waxaad joogi kaliya ilaa inta aad
roonanayso si aad kaligaa gurigaaga u maareyso.
Daawada
Tani waxa ay kaa caawin kartaa calaamadaha ugu
dhibta badan ee cudurka — laakiin maaha jawaabta buuxda. Inta
caadiga ah waa talaabo muhiim ah oo caawimooyinka kale suurto
galinaysa. Qeybaha kale ee ka soo kaabashada waxa ka mid ah
gargaarka qoyska iyo asxaabta, daawada dhimirka iyo adeegyada sida
guryeyn la gargaaraayo, daryeelka maalinta iyo habka
shaqaaleynta.
Maxaad daawada u qaadanaysaa?
Daaweyntu waxay hoos u dhigtaa saameynta
calaamadaha ku yeeshaan noloshaada. Daaweyntu waa:
- khiyaaliga iyo hadrida oo tartiib
tartiib kaaga yaraada, mudo todobaadyo ah:
- kaa caawiya inuu fikirkaaku saxsanaado;
- kor u qada niyadaada iyo awoodaada aad isku
daryeelayso – iyadoo daaweynta badan (ama daawooyinka qaladka ah)
ay keeni karaan saameyn taas ku lid ah.
Sidee ayaa loo qaataa?
- Iyadoo kiniin ah, kaasol ah, sharoobo ah. Waa
ay adag tahay in qofkastaa xasuusto inuu qaato kiniin dhow jeer
maalintii, markaa waxa jira hada qaar aad qaadanayso maalintii hal
mar.
- Hadii ay kugu adag tahay inaad kniinka
qaadato dhowr jeer maalintii, maxaad qaadan doontaa daawyinka
dhimirka ee irbad ah 2. 3 ama 4 todobaadkii.Kuwaas waxa loo
yaqaanaa irbada keydka yadoo ay kalkaaliso bixiso.
Sidee wanaagsan ayay daawadu u shaqeysaa?
- Ilaa 4 qof 5 tiiba ayaa caawimo ka hela.
Waxay maareeyaan calaamadaha, laakiin ma wada masaxaan. Waa inaad
sii wada qaadashada daawada si aad u yareyso calaamadahu inay soo
noqdaan.
- Taxaa hadii ay daawadu caawiso, calaamaduhu
way soo noqon karaan. Tani waa mid aad u suurto gal ah inay dhacdo
hadii aad sii wado qaadashada daawooyinka, xataa markaad fiican
tahay.
Mudo intee leeg ayaan qaadan doonaa
daawooyinka?
- Dhakhaatiirta waxay kuu soo jeedin doonaan
inaad qadato daawoinka mudo dheer.
- Hadii aad rabto inaad dhinto ama yareyso
daawooyinka, kala tasho tan dhakhtarkaaga.
- U dhin daawooyinkaaga si tartiib tartiib ah.
Hadii aad taas sameyso, waxaad dareemi wixii calaamado soo
noqonaaya intaanad dib u xanuunsan.
Maxaa dhacaaya markaan jo
ojiyo daawooyinka
?
Calaamadaha waa ay soo noqon doonaan inta
badan- maaha isla markaaba, laakiin caadiyan 3 - 6 bilood.
Waxaad ka heli warbixin dheeraad ah oo ku sabsan daawooyinka
dhimirka boggayaga.
Caadi ku soo noqoshada
Shisoofrani waxay qof kasta noloshiisa ka
dhigi kartaa mid adag. Taas oo aan ku xidhneyn calaamadaha.
Marmarka qaarkood waxaad kaligaa ka bixi kartaa caadada aad kaligaa
wax qabanayso. Waa ay adkaan doontaa in aad sameyso waxyaalaha
caadiga ah sida dhar dhaqida, albaabka ka jawaabto, adeegato,
telefoonka dirsato ama saaxiib la sheekaysato.
Dhimirka (ama wada hadalka) daaweynta
Daaweynta dabeecada Xidhiidhsan (Cognitive Behaviour
Therapy ama CBT)
Taas waxa sameyn kara daaweeyaha maskaxda,
dhakhtarka maskaxda ama kalkaalisada daawada. Waxa ay kaa caawisaa
in:
- aad awooda saarto dhibaatooyinka adiga kuugu
adag. Kuwaas waxay noqon karaaan fikir. Hadar ama
dareen ah in lagu daba socdo.
- eeg sida aad uga fikirayso iyaga - adiga
'dabeecadahaaga fikirka'.
- eeg sidaad uga jawaab celiso - adiga
'dabeecadaada dhaqanka'.
- eeg sida ay dabeecadaada fikirka iyo dhaqanku
kuu saameeyaan adiga.
- eeg in mid ka mid ah fikirkaa ama dabeecadaa
aanu caqli gal aheyn ama aanu waxba kuu tareyn.
- eeg habab ka kaalmo badan oo aad uga
fikirayso kuwaas ama uga jawaab celinayso.
- tijaabi hab cusub ood u fikirto ama u
dhaqanto.
- ee hadii taas kuu shaqeyso. Hadii ay
sameeyaan, oo ay ku caawiyaan si joogto ah u isticmaal. Hadii aanay
ku cawin, raaadi qaar ka wanaagsan adiga kuu shaqeeya.
Dabiibista noocan ah waxa ay kaa dhigi karta
mid dareema inaad ka wanaagsan tahay iyadood barato habab cusub oo
aad dhibaatada ku xalisid. Waxaanu hada ognahay in daaweynta
dabeecada xidhiidhsan ay kaa caawin doonto inaad maamusho hadarka
ama fikradaha khiyaaliga. Dadka intiisa badan waxay u baahan yihiin
inta u dhaxaysa 8 iyo 20 xiisadood, oo ay mid kastaa soconayso ilaa
1 saacad. Si ay kaaga caawiyaan calaamdaha shisoofraniga, waxa laga
yaabaa inaad marmarka qaarkood sii wado koorsooyinka
'kobcinta'.
Wada hadalka iyo gargaarida iyo dabiibka
dhimirka
Taasi waxa ay kaa caawin kartaa:
- inaad waxa laabtaada ka saarto
- wax si ka qoto dheer uga hadsho
- lagaa caawiyo dhibaatooyinka nolosha ee
maalinlah ah.
Kulanka qoyska
Kuwaasi waxay isku deyeyaan inay adiga iyo
qoyskaagaba idinka caawiyaan si aad xaalada si ka fiican ugula
qabsataan. Waxa loo isticmali karaa in lagaga wada hadlo
macluumaadka ku sabsan shisoofrani, sida ugu fiican ee qof
shisoofrani qaba loo kaalmeeyo sida loo xaliyo dhibaatooyinka
dhabta ah ee soo bixi kara. Ilaa 10 kulan ayaa la qabtaa xili ilaa
6 bilood ah.
Gargaar laga helo Kooxda Caafimaadka maskaxda ee
Bulshada (CMHT) ama kooxda Waxqabadaka hore
- Shaqaalaha caafimaadka maskaxda ee kooxda
degaankaaga (isku duba ridaha daryeelkaaga) ayaa si joogto kuula
kulmi doona. Kalkaaliyaha cudurka dhamirka ayaa ku siin doona
wakhti aad kula hadasho isagoo dhibaatooyinka daawada kaa caawin
doona.
- Dabiibka xirfada-shaqadu waxa uu:
- Kaaga caayin doona si buuxda
waxay xirfadaadu tahay iyo waxa aad sameyn doonto.
- Ku tusi doona sidaad u
wanaajinayso waxyaabaha aanad saani u sameyneyn.
- Kaa caawin doona sidaad wax ka
badan noloshaada ugu qaban lahey.
- Kaa caawin doona inaad ka sii
hore mariso xirfadaaada bulshada (sida dadka kale loola
qabsado).
- Waxa jiri karta caawimo ay qoysasku helaan,
oo kulan joogto ah oo mudo, kuwaas waxay qoyska ka caawin karaaan
inay.
- Wax ka badan cudurka iyo daaweyntiisa ka
ogaadaan.
- Ay xaliyaan qaar ka mid ah qibaatooyinka
joogtada ah ee nolol maalmeedka
- Dhakhtarka dhimirku waxa uu caadiyan isku
habeyn doonaa daaweyntaada iyadoo uu daryeelkaaga guud
masuuliyadiisa qaadi doono.
- Isku xidhaha daryeelka ayaa ka masuul ah
hubinta inaad hesho daryeelka ad u baahan tahay.
- Daryeelaha xirfada ama shaqaalaha soo
kabashada ayaa kaa caawin kara inaad shaqada dib ugu laabato.
Waxbarasho ama wax kale oo aad u aragto inay abaal marin
leeyihiin.
Sida daaweynta la iskugu garab dhigo
- Marka laga reebo clozapine, wax faraq sidaa u
badan oo u dhaxeeya saameynta daawooyinka cudurka dhimirka ma jiro.
Nooca daawada dhimirka ee aad ku bilowdo ayaad u baahan inaad
dhakhtarkaga si buuxda ugala hadasho. Iyadoo saameynta xun ee ay
kugu yeelan doonaan meesha lagu daraayo.
- Maaha suurto gal in la sii sheego in ay
daawada dhimirku adiga si wanaagsan kuu munaasibi doonto iyo in
kale. Waxa laga yaabaa inaad tijaabiso hal daawo dhimir ah ood
eegto sidaad ku noqoto. Hadii aanay ku caawin adiga, ama hadii
saameyntooda xun ay dhibaato tahay, dhakhtarkaaga dhimirka ayaa kaa
caawin sidaad mid ka fiican u heli laheyd.
- Clozapine ayaa u eeg inay dadka qaarkood si
wanagsan u caawinayso. Hase yeeshee, saameynteed kale ee dadka qaar
ayaa khatar noqon kara, sidaaad daraadeed ayaa kaliya uu qof khibad
lihi u qori karaa marka kuwa kale waxba qaban waayaan. Hadii aad
qaadatey daawada dhimirka oo 'caadi ah' iyo mid 'aan caadi
aheyn' ilaa 8 todobaad iyadoo aanay labada midna ku caawin,
clozapine ayaa la eegi karaa tijaabo ahaan.
- CBT waxay u eegtahay inay caaawiso dadka
qaadanaaya daaweyn, laakiin ma garaneyno sida fiican ee ay u
shaqeynayso, hadii qof aanu daaweyn qaadaneyn. Waxay noqon kartaa
mid caadiyan caawin karta shisoofrani bilowga ah.
- Hadii aad macluumad dheeraad ah oo daawad ah
rabto eeg qoraalka hagida ah ee NICE (hoos ku qoran).
- Hadii aanad ku qanacsaneyn daaweyntaada,
waxaad weydiisan kartaa fikrad kale oo dhakhtar dhimirka.
Caawimada bulshada
Xarunta maalinta
Waa laga yaabaa inaanad shaqeyneyn, ama ay
kugu adegtahay inaad shaqada ku laabato. Xataa sidaas haday tahay
waxa fiican in maalitii la baxo oo wax la qabto.
Dad badan waxay si joogto ah u tagaan
cosbitaalka. Xarunta maalinta, ama xarunta caafimaadkamaskaxda ee
bulshada. Kuwaas waxay leeyihiin waxyaabo dhow ah oo aad qaban
karto — caafimadkaaga dhis, waxyaabaha fanka ah sida sawirka iyo
gabayada, waxbarashada ama shaqada oo aad ku noqoto. Waax noqon
kartaa hadana qof waxqabad leh oo aad dadka kale wakhti la qaadan
kartaa.
Adeegyada noocan ah oo dhami lagama helo
meelaha qaarkood meesha ay jiri karto, malaha, xoog la saaraayo in
dadka lagu daro waxqabadka 'caadiga' ah ee qo kasta, hadii ay
lahaayeen dhibaatoooyinka maskaxda iyo hadii kaleba.
Barnaamijka shaqada
Kuwaasi waxay kaa ciiwin karaan inaad
xirfadaada hore u sii mariso. Waxay inta badan la yeelan doonaan
xidhiidh shaqaalaha iyagoo kaa gargaari kara markaad shaqada ku
laabato. Hadii aanad caafimaad qabin mudo dheer, waxaad u baahan
kartaa adeeg dheer oo daryelida ah.
Daaweynta far shaxanka
Kuwaasi waxay isticmaalaan waxqabadka
farshaxanka si ay dadka uga caawiyaans:
- hel habab badan oo aad dadka kale kula
joogayso
- sheeg oo fahan dareenka ay u suurto gali
weydeu inay kalmado ku sheegaan
- inaad hesho dareenka fiican ee waxaad
aasaastey.
Waxqabdkan inta badan waxa loo sameeyaa koox
ahaan.
Hoy la gargaaraayo
Taasi waxay noqon kartaa sariir qol ama dhisme
uu joogo qof kaa caawiya dhibaatooyinkaaga maalilaha ah.
Barnaamijka Habka Daryeelka ee loo
yaqaan
CPA — Barnaamijka Habka Daryeelka
(England & Wales
kaliya)
Taasi waa hab lagu hubinaayo in dadka qaba
shisoofrani ay helaan daryeelka iyo gargaarka iyaga ku haboon.
Waxaan ka mid ah taas:
- isku xidhe daryeel kaas oo ka masuul ah isku
duba ridka dhamaan qeybaha kala duwan ee daryeelkaaga iyo
daaweyntaada.
- kulan oogto ah oo 3 — 6 biloodba. Taas adiga,
isku xidhahaaga daryeelka, dhakhtarkaaga dimirka iyo cid kasta oo
kale oo ku siinaysa daryeel iyo gargaar. Taas waxa ku jira
qoyskaaga iyo daryeelahaaga.
- qorshe daryeel oo si joogto ah loogu eego
kulanada CPA-ga. Dib ayaa loo qoraa markasta adna waxaad heli nuqul
aad ku ogolaanayso isbedelka.
- qorsheha adiga ayaa lagugula sameyn doonaa
kulamadaas ku sabsan waxa la sameynaayo hadii hadana aad dib u
xanuunsato, ama ay dhibaato kugu timaaado.
Daryeelayaashu waxay lahaan doonaan qiimeyn baahidood
ah oo maalin kasta ah.
Is caawimada
Baro calaamadaha hore ee aad ku
xaqiijisanayso in aad soo xanuunsanayso,
sida:
- waxyaalaha maallin kasta sida cuntadaada ood
ka tagto. Walwal aad dareemayso ama aanad seexan.
- dadka kale ayaa ogaan doona in aanad dan ka
yeelan badelaada dharkaaga, gurigaaga nadiifin ama aanad cunto
sameysan.
- calaamadaha yaryar — waxaad dareemaysaa in
aad wax ka shakisan tahay ama aad ka baqanayso ama warwar ku soo
galo ku sabsan ujeedada dadka. Waxa laga yaabaa inaad maqasho codad
si hoos hoos ah ama marmarka qaarkood ama ay kugu adkaato inaad
ahmiyada wax saaarto.
Iska ilaali waxyaabaha aad ku sii
xanuunsanayso, sida:
- xaaladaha istareeska ku galiya sida dadka ood
in badan aad la joogto (inkastoo la joogitaanka dadku ay ku caawin
karto — hoosta fiiri).
- isticmaalka daroogada suuqa.
- warwar kaaga yimaada biilasha, adigoon
caawimo ama talo weydiisanayn (eeg qoraalkan yar eek u sabsan
deynta iyo caafimaadka maskaxda).
- xurgusta qoyska, asxaabta iyo jaarka.
Baro hababka lagu raaxeysto
Hubi inaad si joogto ah u sameyso wax
aad jeceshahay.
Hel habab aad ku maareynayso
codadkaaga:
- dad kale oo aad wakhti la qaadaneyso
- is mashquulinayso
- dhaqeysashada cajalada (TV-ga iyo raadyowgu
waa ay caawiyaan laakiin waxa dhibsan kara qoyskaaga ama
jaarkaaga.
- xasuusi naftaada in codadkaagu aanay waxba
kugu sameyn kareyn
- xasuusi naftaada inaanay codadkaagu laheyn
wax awood ay kugu maamulaan iyagoon kugu qasbi kareyn waxaanad
rabin.
Ku biir kooxaha iyagu is
caawiya ee dadka qaba khibrada la midka ah taada (hoosta
eeg).
Hel qof aad aaminsan tahay
inuu kuu sheego hadii aad hadana soo xanuunsato marlabaad.
Wax ka baro shisoofrani iyo adiga is
daaweyntaada:
- kala sheekayso kalkaalisadaada,shaqaalahaga
caafimaadka maskaxda, dhakhtarkaaga dimirka – ama qof kale oo qaba
shisoofrani
- weydiiso macluumaad qoran oo ku sabsan
cudurka lagugu sheegay iyo daawada
- hadii daawadaadu aanay waxba tareyn, weydiiso
daawooyinka kale.
Jidhkaaga ka shaqee. Dadka qaba
shisoofrani waxay leeyihiin caafimaad ka xun ka dadka kale, sidaad
daraadeed, waa mihiim inaad naftaada ka
shaweyso:
- isku dey inaad cunto cunto isku dheeli tiran,
oo dhudrad iyo khudaar badan leh
- isku dey inaanad sigaar cabin — sigaaarku
waxa uu dhaawacaa sanbabkaaga, wadnahaaga, wareega dhiigaaga iyo
calooshaada
- same jimicsio joogto ah, xata hadii ay tahay
20 daqiiqo oo kaliya maalin walba. Jimicsi joogto ah oo xoogan
(laban lab garaaca wadnahaaga ilaa 20 daqiiqo saddex jeer
todobaadkii) ayaa kor u qaadi karta jawigaaga.
Hadii ay joornaalada, raadyowga ama
TV-ga ku jiran waxyaabo aan sax aheyn ama qoraalo waxyeelo ah oo
shisoofrani ku sabsanin, waxba ha ka soo qaadin,
firfircoonow. Warqad u qor, emayl u qor una sheeg meesha ay iyagu
ku qaldan yihiin. Taasi way shaqeysaa!
Iska ilaali daroogada
suuuqa
Qoysaska loogu talo galey
Waa ay adkaan kartaa in la fahmo waxa dhacaaya hadii wiilkaaga,
gabadhaada, ninkaaga, xaaska walaalkaa ama walaalshaa ay ku
dhacdo shisoofrani, Marmarka qaarkood cidna ma aqoonsato waxa
qaldan.
Maxaad
adigu arkeysaa
?
Qoyskaagu waa uu noqon karaa mid si kale ah.
Qaar kaa durka ama qaar kalia ka duwan sida ay ahaan jireen. Waxa
laga yaabaa inay isku ilaaliyaa xidhiidhka dadka oo ay dhaqdhaqaaqa
yareeyaan. Hadii ay qabaan fikradaha khiyaaliga ah. Laakiin waa
laga yaabaa inay iskaga aamusaan hadii ay codad maqlayaan, waxay si
kadis ah u eegi meel kale sidii oo ay qof kale la sheekeysanayaan.
Markaad la hadasho, wax yar ayay ku odhan, ama waa ay adkaan in la
fahmo. Dabeecad hurdadoodu waa ay is badali iyagoo habeenkii oo
dhana soo jeeda maalintiina oo dhana hurda.
Dhalinta da’da yar waxaad is odhan tani waa
inay mucaarid noqdaan oo kaliya uun, waxay u dhici kartaa si
tartiib tartiib ah iyadoo marka aad dib u eegto uun aad ogaan
xiliga ay bilaabmatey. Waa ay adkaan kartaa in khaasatan la ogaado
isbadeladaas xiliga dhalinyaranimada, marka dadka yaryari ay ad
isku badelayan.
Maxaa qaladkeyga ah?
Waxa laga yaabaa inaad adigu is canaanato
'Maxaa qaladkeyga ah?' Waxaad ka firi in qof kale oo
qoyska ah ay tani ku dhici doonto, waxa uu mustaqbalku keeni doono,
iyo sida ay caawimada ugu wanaagsan u helio doonaan.
Miyaan la hadli karaa
kooxda caafimaadka maskaxda?
Qoysaska inta badan waa laga reebaa wada
hadalka iyadoo laga warwaraayo sir haynta. Taas maaha inay sidaas
ahaato. Dadka qaba shisoofrani waxay inta badan la nool yihiin ama
gargaara qoyskooda. Sidaas darted waa in qoysku haystaa
macluumaadka u sahlaaya inay sida ugu fiican u daryeelaan. Xataa
hadii qofku aanu rabin in qoysku ka qeyb qaato taas, waxa uu qoysku
wali u sii sheegi karaa kooxda caafimaadka maskaxda kolba wixii
dhacaaya.
Qoysasku waxa ay xaq u leeyihiin caawimada iyo macluumaadka ay u
baahan yihiin, iyo baahida ah inay kooxda caafimaadka
maskaxda dhageysato warwarka iyo walaacoodaba.
Gudiga Boqorada ee daryeelayaasha (The Princess Royal Trust for Carers)
iyo Kuliyada Boqortoyada ee Dhimirka (Royal College of
Psychiatrists) ayaa daabacey liisto la eegaayo oo qoysaska loogu
talo galey, si ay u helaan waxay u baahan yihiin inay ogaadaan.
Qaar badan oo ururada samafaalka ah oo qaabilsan shisoofrani ayaa
bixiya macluumaad muhiim ah iyo gargaarba (eeg hoosta).
Maxaan sameyn karnaa?
Qoysasku waxay iyaguna u baahan yihiin talo.
Maxay u baahan yihiin inay sameeyaan? Shisoofrani waxay keentaa u
nuglaanshaha istareeska, sidaas daraadeed waxa fiican in la iska
ilaaliyo muranka oo la is dajiyo – malaha taas oo dhibyar in la
sheego laakiin adag in la qabto!
Waxa qaladka laga aaminsan yahay
Miyeyna shisoofrani aheyn shakhsiyad kale oo
qofka?
Maya. Dad aad u badan ayaa aaminsan in qofka
qaba shisoofrani uu ahaan karo qof caadi ah xaalad, isagoo xaalad
kale isku badali doona qof kale. Taasi maaha dhab.
Dadka waxay qalad u adeegsan karaan kalmada
'shisoofrani' laba siyoodba:
- Iyadoo leedahay dareen isku jira ama iska hor
imaan kara oo wax ku sabsan. Tasi waa wax binu0.-aadamka u caadi ah
– kalmad aad ugu haboon waa 'labac labacleyn'.
- In qof uu si kale duwan u dhaqmo xiliyada
kala duwan. Mar labaad taasi waa mid ka mid ah dabeecada
dadka.
Miyaaney shisoofrani dadka ka dhigin
khatar?
Dadka ay ku dhacdo shisoofrani caadiyan maaha
khatar. Wixii dabeecad khatar ah waxa keena daroogada suuqa ama
khamrada. Taasi waxay la mid tahay xaalada dadka aan qabin
shisoofrani oo kale.
Iyadoo ay jiro khatar badan oo dabeecad dagaal
ah hadii aad qabto shisoofrani, aad ayay u yar taha marka la garab
dhigo saameynta daroogaa iyo khamrada ee bulshadeena inteeda kale.
Dadka qaba shisoofrani ayaa aad uga khatar badan in dadka kale
dhibaan marka la gara dhigo inta ay iyagu dadka kale dhibayaan.
Marna lagama bogsado Shisoofrani
4-5 qofba hal qof oo qaba shisoofrani ayaa si
buuxda uga bogsada, kuwa kale oo ilaa 3 ah 5-tii qofba oo qaba
shisoofrani ayaa la caawin doonaa ama daaweynta ku roonaan
doona.
Caawimoda dheeraad ah
Fikraaha
shakiga
Bogan waxa ku jira baqdinka aan salka laheyn
ama aadka u badan ee dadka kale.
Xanuunka Maskaxda ee
Rethink
Khadka caawimada: 0300 5000 927.
Ururka samafalka qaranka ee caawiya xanuunka
maskaxda ee xun, iyo qoysaskooda iyo daryeelayaashooda.
GargaarkaMind
ee Scotland
Tel: 0131 662 4359; Fagas: 0131 662 2.289;
mailto:info@supportinmindscotland.org.uk
Ka shaqeeya sidii kor loogu qaadi lahaa saxada
iyo heerka nolosha ee dadka ay saameysay xanuunka maskaxda, taas
waxa ku jira dadka ah qaraabada iyo daryeelayaasha iyo gargaar
bixiyayaasha.
Mind
Khadka caawimada: 0300 123 3392: mailto:info@mind.org.uk
Waxay daabacaad qoraalo kala duwan oo dhinac
kasta oo caafimaadka maskaxda ku sabsan.
With thanks to the Greater
Glasgow & Clyde Mental Health Services for
allowing the Royal College of Psychiatrists to post this
translation of the Royal College of Psychiatrists' Help is at Hand
leaflet on Schizophrenia.
© September 2012. Royal College of
Psychiatrists. This leaflet may be downloaded, printed out,
photocopied and distributed free of charge as long as the Royal
College of Psychiatrists is properly credited and no profit is
gained from its use. Permission to reproduce it in any other way
must be obtained from the Head of Publications. The College
does not allow reposting of its leaflets on other sites, but allows
them to be linked to directly.
Charity registration number in England and Wales 228636 and in
Scotland (SC038369)
Please note that we are unable to offer advice on individual cases. Please see our
FAQ for
advice on getting help.
Please answer the following questions and press 'submit' to send your answers OR
E-mail your responses to dhart@rcpsych.ac.uk
On each line, click on the mark which most closely reflects how you feel about the
statement in the left hand column.
Your answers will help us to make this leaflet more useful - please try to rate
every item.
Did you look at this leaflet because you are a (maximum of 2 categories please):
Age group (please tick correct box)