Shisoofrani

Qoraalkan yar wuxuu ku sabsan yahay

Qoraalkan yar waxa uu ku caawin karaa hadii:

  • adiga lagugu sheegay cudurka shisoofrani
  • adigu aad is leedahay waxaad qabtaa shisoofrani
  • adigu aad taqaano qof lagu sheegay shisoofrani
  • aadigu aad kaliya rabto inaad wax dheeraad ah ka ogaato shisoofraniga

Waxa ay guud mareysaa:

  • waa maxay lahaanshaha shisoofrani
  • maxaa sababa
  • maxaa caawin kara
  • side la isku caawiyaa
  • macuumaadka qaraabda

Maxaynu ereyga "S" u adeegsanaa?

'Shisoofrani' waa eray dad badan warwar galiya. Saxaafada ayaa inta badan u adeegsata — si aan sax aheyn oo cadaalad daro ah — si ay u qeexaan daqaal iyo carqalad. Sidaas daraadeed maaha mid lala yaabo in dad badan sheegida cudurkan u arkaa midaan fiicneyn. Waxa loo dareemi karaa in qof adiga kugu qiimeeyay qof dagaal badan oo aan is maamuli kareyn — marka aanad taas aheyn.

Waxaan ereyga 'shisoofrani' u isticmaali doonaa maadaama aan la isku raacin mid ka fiican oo qeexaaya calaamado iyo dabeecada isku sifo ah oo halkan lagu soo qeexi doono. Xataa hadii aanad kalmada u arag mid fiican. Waxaanu wali rajeynaynaa in warbixinta qoraalkan yar inay wax kuu tari doonto.

Waa maxay shisoofrani?

Isbedel ku yimaada maskaxda kaas oo saameeya sida aad u fikirayso, dareemayso iyo u dhaqmeyso. Calaamadeheega inta badan waxa loogu yeedhaa 'togane' ama 'tabane'.

Calaamadaha `Toganeha' ah

Kuwaas waa dareen aan caadi aheyn. Dad badan ayaa qaba marmarka qaarkood iyadoo aanay wax dhibaato ah aheyn. Shisoofraniga, waxay yihiin qaar ka sii badan, dhibaato badan maanka haysta oo dhib wata.

Hadrida

Isla hadridu waxay dhacdaa marka uu qofku, maqlo, uriyo, dareemo ama arko wax – laakiin waxaas oo aanay sababin wax (ama qof) agtaada jooga. Ta caadi ahaan ugu badan waa in codad la maqlo.

Waa noocee codadku?

Waxay u eeg yihiin qaar dhab ah. Waxay u eeg yihiin caadiyan inay adiga banaankaaga ka imanayaan, iyadoo laakiin dadka kale aanay maqli kareyn. Waxaad maqli kartaa inay meelo kala duwan ka iman karaan, ama waxay u eeg yihiin inay meel ama shay gooni ah ka imanayaan. Codadku adiga ayay kula hadli karaan ama iyaga adiga kaa sheekeysan kara — waxay noqon kartaa adigoo cid kaa hadlaysa dhageysanaaya. Waxay noqon karaan qaar fiica, laakiin intooda badan waa ay xun yihiin, wax ku xadgudbaaya ama dhibaaya. 

Sidee ayay dadku uga jawaabaan taas?

Waxa laga yaabaa iska indho tirto, ama aad u jawaab celiso — ama aad ku qeyliso hadii ay qaylinayaan ama ku dhibayaan. Waxa laga yaabaa inaad dareento inaad sameyso waxay kuu sheegayaan inaad sameyso, taxaa adigoo og inay tahay inaana d sameynin. Waxa laga yaabaa inaad is tidhaa waxay ka imanayaan mikrifoon qarsoon, sameecadaha ama ruuxda.

Xagee ayay ka imanayaan?

Codadku maaha male awaal — runtii waad maqleysaa – laakiin waxa sameynaysa waa maskaxda. Raajada skaanka ayaa tustey in qeybta maskaxda ee 'infiimisa' markaad codadka maqasho waa isla meesha shaqeysa markaad hadlayso, ama aad kalmado maskaxdaada iskugu geyso. Maskaxdu waxay isku qaladaa fikirkaaga, ama 'hadalkaaga hoose', oo ay codad dibada ka imanaaya u qaadato.

Miyay dadka kale qaarkood maqlaan codad?

Waxaad kale oo aad codad maqli kartaa isku buuqida xun. Waxay u eeg yihiin qaar ka fudud, iyagoo ku celcelinaaya kalmadaha, odhaah ama fikir xun kolba.

Waxa kale oo aad maqli kartaa codad aan noloshaada saameyn. Waxa laga yaabaa inay qaar fiican yihiin, ama aan qeylo badneyn, ama dhaca kaliya marmarka qaarkood. Codoadkaasi sida caadiga ah uma baahna wax daaweyn ah.

Noocyada kale ee hadrida

Waxa laga yaabaa inaad aragto waxyaabo aam meesha jooogin, ama aad uriso ama dhadhamiso waxyaabo aan meesha joogin. Dadka qaarkood waxay qabaan dareen xanuun ama dareeman in cid taabatey ama wax ku dhufatey.

Khiyaali

Khiyaaligu waxa uu dhacaa marka qofku uu wax aaminsan yahay — iyo iyaga oo aan hubin — iyadoo dadka kale ay is leeyihiin waxaad qalad u fahantey waxa dhacaaya. Waa sida adiga oo wax u arkaaya si ka duwan dhamaan sida dadk kale wax u arkeyaan. Wax shaki ah kama qabtid, laakiin dadka kale waxay u arkaan waxaad aamisan tahay inaad qalad u fahantey, aan suurto ama caadi aheyn. Hadii aad isku deydo inaad fikradahaadga cid kala hadasho, wax micne ah uma sameyso iyaga ama ma sharixi kartid 'kaliya sida' sida ka qeybta ah dhaqankaaga, aasaaskaaga ama diintaada.

Sidee ayay ku bilaabantaa?

  • Waa ay kugu habsan kartaa adigoo ugu danbey aad fahmi doonto waxa dhacaaya. Taasi waxay imaan kartaa todobaadyo ama bilo kadib markaad dareentey inay wax dhaceen, laakiin aanad qiyaasi Kareyn waxa dhacaaya.
  • Fikrad khiyaali ah ayaa noqon karta hab lagu qeexo hadrida. Hadii aad maqasho codad kaa hadlaaya, waxaad ku qeexi kartaa iyada oo ay hay’ad dawladu ahi ku daba socoto.

‘Shakiga’ khiyaaliga

Kuwaasi waa fikrado adiga kaa dhigta in lagu dabo socdo ama lagu xasaradeynaayo. Waxay noqon karaan:

  • caadiyan — waxaad dareemaysaa in MI5 ama dawladu ku basaaseyso adiga. Waxaad is odhan kartaa in kuwa dad kale ay adiga kugu saameynayaan awood ama tegnoolajida ay haystaan.
  • maalin kasta – waxaad aamini doontaa in sadkaagu uu ku gogol dhaafaayo. Waxa kaa dhaadhacsan macluumaad cad oo aad hayso laakiin dadka kale aanay arki kareyn.
  • cadho keenaaya — dareenka in lagu dabo socdo ayaa kaa xanajinaaya. Waxa kale oo ay noqon kartaa qaar warwar galisa dadka aad u aragto inay ku daba socdaan, khaasatan hadii aad ku dhawdahay, sida qoyskaagaa.

Fikradaha la tixraacaayo

Waxaad u arki micne gaar ah oo maalmaha caadiga ah ay kuu sameyn doonaan. Waxaad dareemaysaa in ay waxyaalahu dhacayaa adiga kugu xidhan yihiin — barnaamijkaa raadyowga ama TV-ga adiga ayuu kaa hadlaayaa, ama qof ayaa wax si qaldan kuugu sheegaaya, tusaale ahaan, midabka gaadhiga dariiqa maraaya.

La qabsashada khiyaaliga

  • Khiyaaligu wuxuu uu saameyn ama aanu saameyn karin sidaad u dhaqanto.
  • Waa ay adkaan kartaa in dadka kale lagala hadlo taas — waxaad aqoonsan doonta inaanay fahmi kareyn.
  • Hadii aad dareemayso in dadka kale ku dhaawici ama khatar ku geysan doonaan, waxaad isku deyi inaad kaligaa ahaato. Hadii aad xaqiiqatan dareento khatar, waxa laga yaabaa inaad isku deydo inaad iska difaacdo.
  • Waxa laga yaabaa inaad dareenkaaga ka baxsato adigoo kolba meel u wareegaaya. Dhowrkii maalmoodba ama todobaadba ka dib kolba meel cusub u wareegaaya. Dareenku waa uu kolba soo noqdaa. 

Wax isku qasaaya (ama 'qaska fikirka')

  • Waxa kugu adkaaneysa inaad wax ahmiyada saarto — taas oo kolba kugu sii adkaaneysa:
  • dhamee maqaal joornaalka ah ama daawo barnaamij TV-ga ilaa dhamaadka.
  • sii wado dugsiga ama kuliyada waxbarashadaada  
  • maskaxdaada ku hay shaaqadaada

Fikradaadu waa ay is badbadelaysaa iyoadoo kolba meek ku dhacaysa — laakiin ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya. Hal daqiiqo ka dib ma xasuusatid waxaad maskaxda hore uga fikiraysay, dadka qaar ayaa fikirkooda ku sheega inuu yahay 'Ceeryaan' ama  mid 'Dhado' leh marka ay tani dhacdo. Marka aanu fikirkaagu iskugu xidhneyn sidan, waxa kugu adkaan karta inay dadka kale ku fahmaan.

Dareemaaya in lagu maamulaayo

Waxaad dareemaysaa in:

  • fikirkaagu uu mar kaliya lumey — sida in qof uu maskaxdaada kala baxay;
  • fikirkaagu uu u muuqdaa inaanu aheyn kaagii — waa sida in uu qof kale dhigay maskaxdaada;
  • in jidhkaagii la qabsadey, ama in la maamulaayo sida caruusad ama robot.

Dadka qaar ayaa ku qeexa dareenkan iyagoo is leh waa raadyowga, telefishanka ama ilayska layserka ama in aalad la dhex galiyey. Dadka kale waxay eeda saaraan falka, ruuxda cadheysan, Ilaahey ama shaydaanka.

Calaamadaha `tabaneha ah'

  • Waxaad bilowdaa inaad lumiso fikirkaaga caadiga ah, dareenkaaga iyo ahmiyadaada.
  • Waxaad lumisaa xiisaha nolosha. Awoodaada, xasaaskaaga 'kac-oo-soco' waa ay kaa dhamaataa. Waa ay adagtahay inaad wax xiiso galisoama ama aad wax ka hesho.
  • Waxna ahmiyada ma saari kartid.
  • Dan kama lihid inaad kacdid ama dibada u baxdid.
  • Waxa aad iska deysaa inaad meydhato ama dharkaaga nadiifiso.
  • Dadka ayaa ku dhiba

Dadka wey ku adkaataa in calaamadaha tabanaha ah u arkaan qaar dhab ah — ee aanay aheyn kaliya caajisnimo. Taas ayaa adiga iyo qoyskaagaba idinku adkaan doonta. Qoyskaagu waxay kaliya is leeyihin inaad u baahan tahay inaad adigu sidan isku dhaanto oo aad wax qabsato. Ma sharixi kartid taas. Ma kartid kaliya. Calaamadaha tabanaha ah waa ay ka dhacdooyin yar yihiin kuwa toganeha ah. Calaamadaha, ayaa laakiin noqon kara qaar ay adag tahay in lala noolaado.

Miyuu qof kasta oo qaba shisoofrani leeyahay calaamadahan?

Maya. Waad maqli kartaa codad iyo calaamado xunxun laakiin aanad lahaan fikrado khiyaali ah. Dadka qaar leh fikrada khiyaali ah ayaa leh waxoogaa saameyn kharat ah. Hadii kaliya aad leedahay fikirto iyo calaamado xunxun, waa laga yaabaa inaan la garan sanado badan. Waxyaalah kale ee kamida waa:

Lumista "fahan"

Waxa la dareemayaa in dadka kale oo dhan ay qaldan yihiin, inaanay kaliya fahmeyn waxyaabaha aad adigu karto. Waxaad dareemaysaa in dhibaatadu tahay aduunka intiisa kale, oo aanay adiga aheyn.

 Isku buuqida

  • Hadii ay markii ugu horeysay kugu dhacdo shisoofrani, waxa jirta fursad ah 50-50 in aad isku buuqdo, caadiyan ka hor intaanad helin calaamado cadcad.
  • Ilaa 1 kiiba 7 qof oo leh calaamado sii socda ayaa isku buuqi doona. Taas waxa loo si qalad ah loogu qaadan karaa calaamado xunxun.
  • Daawooyinka cudurada maskaxda ayaa lagu eedeeyay— laakiin cilmi baadhistu waxa tustey in ay isku buuqida shisoofrani wax ka taraan.
  • Hadii aad qabto shisoofrani iyadoo aad dareemayso inaad isku buuqayso, hubi inaad qof u sheego iyo inay khatar kuu qaataan.

Ma caadi baa shisoofrani?

 

Waxay saameysaa 1 qof 100 kiiba inta xiliga noloshooda ah.

 

Ayay ku dhacdaa?

Waxay si isku mid ah u saameysaa raga iyo dumarkaba iyadoo ku badan meelaha magaalada iyo dadka laga tirade badan yahay oo gaar ah. Waa ay adagtahey inay ku dhacdo inta ka horeysa da’da 15 jir. Laakiin waxay bilaabmi kartaa wakhti kasta oo xiligan ka danbeeya, inta badan da’da u dhaxaysa 15 ilaa 35.

Maxaa keena shisoofrani?

Ma hubono ilaa hada. Waxa suurto gal ah inay tahay waxyaabo isku jirjira, taas oo dadka u kala duwanaan doonta.

Faraca

Iyadoo kaliya 1 qof 100 kiiba qabo shisoofrani, ilaa 1 qof 10 kiiba oo qaba shisoofrani waxa uu leeyahay waalid qaba cudurka.

Mataanaha: mataano isku mid ah waxay leeyihiin farac la mid ah ka walaalkeed ama walaalkii, ilaa qurubka ugu yare ee DNA-da, Hadii uu mid ka mid ah mataanahu uu leeyahay shisoofrani, ka kalena waxuu qabaa fursad ilaa 5foerever0:50 inuu qaado.

Mataanaha aan isku midka aheyn waxay leeyihiin farac aan isku mid aheyn.  Hadii mid ka mid ahi uu leeyahay shisoofrani, khatarta mataanka kale waa mid wax yar ka weyn ta walaalaha kale. Aqoontan la helay waa isku mid xataa hadii mataanaha lagu soo koriyo qoysay kal duwan.

 

Qaraabada leh shisoofrani Fursada shisoofranidu kuugu dhacayso
 Midna 1 qof 100 kiiba
 1 waalid 1 qof 10 kiiba
 1 mataano isku mid ah (faraca isku midka ah) 1 qof 2 diiba
 1 mataanaha aan isku midka (faraca kala duwan) 1 qof 8 diiba


Dhaawaca maskaxda

Raajada skaanka waxay tustey inay kal duwan yihiin maskaxda dadka qaar ka mid ah oo qaba shisoofrani — laakiin aan aheyn kuwa kale. Meesha ay halkaa jirto, waxay sababtu noqon kartaa inaanay qeyb maskaxda ahi u korin si aan caadi aheyn maxaa yeelay.

  • Dhibaato xiliga umusha taas oo in maskaxda ilmahu aanuu helin hawada uu u baahnaa
  • Infekshan feyrus ah oo xiliga hore ee uurka ku dhacda.

Daroogada iyo khamrada

Marmarka qaarkood, daroogada dibada ayaa u eeg inay keeno shisoofrani.

Amfetamiinka ayaa kuu keeni karta calaamadaha, laakiin waa ay kaa tagtaa markaad iska deyso qaadashadooda. Ilaa hada ma ogin in maandooriyayaashan ay kuu keeni karaan calaamadaha dhimirka, kalidood sababi karaan xanuun mudo dheer, laakiin waa laga yaabaa inay sababaan hadii aad tahay qof nugul.

Waa ay dhib yaraan kartaa inaad isticmaalida alkohoolka iyo daroogadu kuu sahlaan la qabsashada, laakiin tani waxay taas ka sii dhigtaa mid ka sii xun.

Kannabiska

  • Isticmaalida badan ee kannabiska ayaa laban laabta khatarta ay ku imaanayso shisoofraniga. Cilmi baadhis had la sameeyey ayaa in nooca adeg ee kannabiska, sida nooca qashinka, ay kor u qaadi karto khatarta.
  • Waa ay sii kordheysaa khatartu hadii aad kannabis isticmaalkeda bilowdo da’ yar.
  • Hadii aad taas u cabtey si aan joogto aheyn (in ka badan 50 jeer) xiliga dhalinyaranimadaadii, saameyntu waa ay ka sii badanaysaa — waxaad tahay iaal 6 jir mid uga fursad badan in ay kugu dhacdo shisoofrani.

Istareeska

Khatartu inta badan waxay dhacaan wax yar ka hor intaan calaamaduhu ka sii xumaan. Waxay noqon karaan sida xaalad kadis ah sida shil gaadhi, dhimasho ama guriga oo aad ka guurto. Waxay noqon kartaa dhibaato maali walba taagan, sida dhibaato qaxbarashada ama shaqada ah. Istarees wakhti dheer, sida xurgufta qoyska, ayaa iyaguna ka sii xumeyn kara.

Dhibaatada qoyska

Hal mar waxa dadku qabeen in xidhiidh xumada qoysku keento shisoofrani. Taasi uma eeka sababta. Hase yeeshee, hadii aad qabto shisoofrani, xurgufta qoyska aya ka sii xumeyn karta.

Caruurnimo adag

Sida kuwa kale ee cudurada maskaxda, shisoofranidu waa ay kugu dhici kartaa hadii carruurnimadaadii lagaa xumeeyey ama jid ahaan ama galmo ahaan lagu xumeeyey carruur nimadaadii.

Waa maxad dagaalka shisoofrani?

Dad tiro yar oo qaba shisoofrani ayaa noqda qaar dagaalama — jidhkooda ayay inta badan dhaawacaan laakiin waxay dhaawacaan dadka kale. Taas waxa keeni kara dareen ah xukumid ama codad u sheegaaya inay taas sameeyaan  — inta badan waa labadaa oo isku jira. Waa ay ka sii badan tahay hadii dadku isticmaaleen daroogo iyo khamrada.

Rajada

Dad badan oo qaba shisoofrani uma baahna inay hada cosbitaal galan iyagoo degay, shaqeeya oo leh xidhiidh qoys oo waara.

Ilaa 5 qof oo qaba shisoofrani:

  • 1 ayaa ka roonaan doona ilaa shan sano marka ay calaamadooda ugu cad helaan
  • 3 ayaa ka roonaan doona, laakiin ay ku dhici doonto xiliyo ay ka xumaan doonaan hadana
  • 1 ayaa yeelan doona calaamado dhiba oo wakhti badan waara.

Maxaa dhici doona hadaan la daaweyn

Hadii kaliya aad maqasho codad, oo aanad waxba ka qabin aanay saameyn ku lahey noloshaadana, waa laga yaabaa in aanad wax caawimo gaar ah u baahneyn. Hase yeeshee, hadii codadku noqdaan qaar qeylo badan ama qaar aan wanaagsaneyn (ama hadii calaamado kale ay soo kordhaan), kadibna waa in aad dhakhtar kala hadasho.

Is dilku waa uu ku badan yahay shisoofrani — khaasatan hadii qofku uu leeyahay calaamadaha, uu isku buuqo, aanu wax daawo ah helay ama uu caawimo tii aad heli jirtey ka yar helaayo.

Cadeyntu waxay tusaysaa in hadii shisoofrani la daaweeyo xili hore ay:

  • ay kayar tahay inaad cosbitaal u gasho
  • ay ka yar tahay inaad u baahato kaalmo badan oo guriga
  • hadii aad cosbitaalka timaado, waxaad joogi doonta halkaa wakhti ka yar
  • maa ay ka badan tahay inaad si caadi ah oo ka madax banaan ugu shaqeyso ama ugu noolaato.

Daaweynta

Hadii aad qabto calaamadaha shisoofrani markii kuugu horeysay, waa inaad daawooyinka ugu bilowdo sida ugu dhakhsah badan.

Malaha uma baahnid inaad cosbitaal aado, laakiin waxaad u baahan tahay inaad la kulanto dhaktarka dhimirka iyo kooxda caafimaadka maskaxda ee bulshada. Iyaga ayaa caadiyan qorsheyn doona daaweyntaada guriga. Xataa hadii ay qasab noqoto inaad cosbitaalka timaado, waxaad joogi kaliya ilaa inta aad roonanayso si aad kaligaa gurigaaga u maareyso.

Daawada

Tani waxa ay kaa caawin kartaa calaamadaha ugu dhibta badan ee cudurka — laakiin maaha jawaabta buuxda. Inta caadiga ah waa talaabo muhiim ah oo caawimooyinka kale suurto galinaysa. Qeybaha kale ee ka soo kaabashada waxa ka mid ah gargaarka qoyska iyo asxaabta, daawada dhimirka iyo adeegyada sida guryeyn la gargaaraayo, daryeelka maalinta iyo habka shaqaaleynta.

Maxaad daawada u qaadanaysaa?

Daaweyntu waxay hoos u dhigtaa saameynta calaamadaha ku yeeshaan noloshaada. Daaweyntu waa:

  • khiyaaliga iyo hadrida oo  tartiib tartiib kaaga yaraada, mudo todobaadyo ah:
  • kaa caawiya inuu fikirkaaku saxsanaado;
  • kor u qada niyadaada iyo awoodaada aad isku daryeelayso – iyadoo daaweynta badan (ama daawooyinka qaladka ah) ay keeni karaan saameyn taas ku lid ah.

Sidee ayaa loo qaataa?

  • Iyadoo kiniin ah, kaasol ah, sharoobo ah. Waa ay adag tahay in qofkastaa xasuusto inuu qaato kiniin dhow jeer maalintii, markaa waxa jira hada qaar aad qaadanayso maalintii hal mar.
  • Hadii ay kugu adag tahay inaad kniinka qaadato dhowr jeer maalintii, maxaad qaadan doontaa daawyinka dhimirka ee irbad ah 2. 3 ama 4 todobaadkii.Kuwaas waxa loo yaqaanaa irbada keydka yadoo ay kalkaaliso bixiso.

Sidee wanaagsan ayay daawadu u shaqeysaa?

  • Ilaa 4 qof 5 tiiba ayaa caawimo ka hela. Waxay maareeyaan calaamadaha, laakiin ma wada masaxaan. Waa inaad sii wada qaadashada daawada si aad u yareyso calaamadahu inay soo noqdaan.
  • Taxaa hadii ay daawadu caawiso, calaamaduhu way soo noqon karaan. Tani waa mid aad u suurto gal ah inay dhacdo hadii aad sii wado qaadashada daawooyinka, xataa markaad fiican tahay.

Mudo intee leeg ayaan qaadan doonaa daawooyinka?

  • Dhakhaatiirta waxay kuu soo jeedin doonaan inaad qadato daawoinka mudo dheer.
  • Hadii aad rabto inaad dhinto ama yareyso daawooyinka, kala tasho tan dhakhtarkaaga.
  • U dhin daawooyinkaaga si tartiib tartiib ah. Hadii aad taas sameyso, waxaad dareemi wixii calaamado soo noqonaaya intaanad dib u xanuunsan.

Maxaa dhacaaya markaan jo ojiyo daawooyinka?

Calaamadaha waa ay soo noqon doonaan inta badan- maaha isla markaaba, laakiin caadiyan  3 - 6 bilood. Waxaad ka heli warbixin dheeraad ah oo ku sabsan daawooyinka dhimirka boggayaga.

Caadi ku soo noqoshada

Shisoofrani waxay qof kasta noloshiisa ka dhigi kartaa mid adag. Taas oo aan ku xidhneyn calaamadaha. Marmarka qaarkood waxaad kaligaa ka bixi kartaa caadada aad kaligaa wax qabanayso. Waa ay adkaan doontaa in aad sameyso waxyaalaha caadiga ah sida dhar dhaqida, albaabka ka jawaabto, adeegato, telefoonka dirsato ama saaxiib la sheekaysato.

Dhimirka (ama wada hadalka) daaweynta

Daaweynta dabeecada Xidhiidhsan (Cognitive Behaviour Therapy ama CBT)

Taas waxa sameyn kara daaweeyaha maskaxda, dhakhtarka maskaxda ama kalkaalisada daawada. Waxa ay kaa caawisaa in:

  • aad awooda saarto dhibaatooyinka adiga kuugu adag. Kuwaas waxay noqon karaaan fikir. Hadar   ama dareen ah in lagu daba socdo.
  • eeg sida aad uga fikirayso iyaga - adiga 'dabeecadahaaga fikirka'.
  • eeg sidaad uga jawaab celiso - adiga 'dabeecadaada dhaqanka'.
  • eeg sida ay dabeecadaada fikirka iyo dhaqanku kuu saameeyaan adiga.
  • eeg in mid ka mid ah fikirkaa ama dabeecadaa aanu caqli gal aheyn ama aanu waxba kuu tareyn.
  • eeg habab ka kaalmo badan oo aad uga fikirayso kuwaas ama uga jawaab celinayso.
  • tijaabi hab cusub ood u fikirto ama u dhaqanto.
  • ee hadii taas kuu shaqeyso. Hadii ay sameeyaan, oo ay ku caawiyaan si joogto ah u isticmaal. Hadii aanay ku cawin, raaadi qaar ka wanaagsan adiga kuu shaqeeya.

Dabiibista noocan ah waxa ay kaa dhigi karta mid dareema inaad ka wanaagsan tahay iyadood barato habab cusub oo aad dhibaatada ku xalisid. Waxaanu hada ognahay in daaweynta dabeecada xidhiidhsan ay kaa caawin doonto inaad maamusho hadarka ama fikradaha khiyaaliga. Dadka intiisa badan waxay u baahan yihiin inta u dhaxaysa 8 iyo 20 xiisadood, oo ay mid kastaa soconayso ilaa 1 saacad. Si ay kaaga caawiyaan calaamdaha shisoofraniga, waxa laga yaabaa inaad marmarka qaarkood sii wado koorsooyinka 'kobcinta'.

Wada hadalka iyo gargaarida iyo dabiibka dhimirka 

Taasi waxa ay kaa caawin kartaa:

  • inaad waxa laabtaada ka saarto
  • wax si ka qoto dheer uga hadsho
  • lagaa caawiyo dhibaatooyinka nolosha ee maalinlah ah.

Kulanka qoyska

Kuwaasi waxay isku deyeyaan inay adiga iyo qoyskaagaba idinka caawiyaan si aad xaalada si ka fiican ugula qabsataan. Waxa loo isticmali karaa in lagaga wada hadlo macluumaadka ku sabsan shisoofrani, sida ugu fiican ee qof shisoofrani qaba loo kaalmeeyo sida loo xaliyo dhibaatooyinka dhabta ah ee soo bixi kara. Ilaa 10 kulan ayaa la qabtaa xili ilaa 6 bilood ah.

Gargaar laga helo Kooxda Caafimaadka maskaxda ee Bulshada (CMHT) ama kooxda Waxqabadaka hore

  • Shaqaalaha caafimaadka maskaxda ee kooxda degaankaaga (isku duba ridaha daryeelkaaga) ayaa si joogto kuula kulmi doona. Kalkaaliyaha cudurka dhamirka ayaa ku siin doona wakhti aad kula hadasho isagoo dhibaatooyinka daawada kaa caawin doona.
  • Dabiibka xirfada-shaqadu waxa uu:
  • Kaaga caayin doona si buuxda waxay xirfadaadu tahay iyo waxa aad sameyn doonto.
  • Ku tusi doona sidaad u wanaajinayso waxyaabaha aanad saani u sameyneyn.
  • Kaa caawin doona sidaad wax ka badan noloshaada ugu qaban lahey.
  • Kaa caawin doona inaad ka sii hore mariso xirfadaaada bulshada (sida dadka kale loola qabsado).
  • Waxa jiri karta caawimo ay qoysasku helaan, oo kulan joogto ah oo mudo, kuwaas waxay qoyska ka caawin karaaan inay.
  • Wax ka badan cudurka iyo daaweyntiisa ka ogaadaan.
  • Ay xaliyaan qaar ka mid ah qibaatooyinka joogtada ah ee nolol maalmeedka
  • Dhakhtarka dhimirku waxa uu caadiyan isku habeyn doonaa daaweyntaada iyadoo uu daryeelkaaga guud masuuliyadiisa qaadi doono.
  • Isku xidhaha daryeelka ayaa ka masuul ah hubinta inaad hesho daryeelka ad u baahan tahay.
  • Daryeelaha xirfada ama shaqaalaha soo kabashada ayaa kaa caawin kara inaad shaqada dib ugu laabato. Waxbarasho ama wax kale oo aad u aragto inay abaal marin leeyihiin.

Sida daaweynta la iskugu garab dhigo

  • Marka laga reebo clozapine, wax faraq sidaa u badan oo u dhaxeeya saameynta daawooyinka cudurka dhimirka ma jiro. Nooca daawada dhimirka ee aad ku bilowdo ayaad u baahan inaad dhakhtarkaga si buuxda ugala hadasho. Iyadoo saameynta xun ee ay kugu yeelan doonaan meesha lagu daraayo.
  • Maaha suurto gal in la sii sheego in ay daawada dhimirku adiga si wanaagsan kuu munaasibi doonto iyo in kale. Waxa laga yaabaa inaad tijaabiso hal daawo dhimir ah ood eegto sidaad ku noqoto. Hadii aanay ku caawin adiga, ama hadii saameyntooda xun ay dhibaato tahay, dhakhtarkaaga dhimirka ayaa kaa caawin sidaad mid ka fiican u heli laheyd.
  • Clozapine ayaa u eeg inay dadka qaarkood si wanagsan u caawinayso. Hase yeeshee, saameynteed kale ee dadka qaar ayaa khatar noqon kara, sidaaad daraadeed ayaa kaliya uu qof khibad lihi u qori karaa marka kuwa kale waxba qaban waayaan. Hadii aad qaadatey daawada dhimirka oo 'caadi ah'  iyo mid 'aan caadi aheyn' ilaa 8 todobaad iyadoo aanay labada midna ku caawin, clozapine ayaa la eegi karaa tijaabo ahaan.
  • CBT waxay u eegtahay inay caaawiso dadka qaadanaaya daaweyn, laakiin ma garaneyno sida fiican ee ay u shaqeynayso, hadii qof aanu daaweyn qaadaneyn. Waxay noqon kartaa mid caadiyan caawin karta shisoofrani bilowga ah.
  • Hadii aad macluumad dheeraad ah oo daawad ah rabto eeg qoraalka hagida ah ee NICE (hoos ku qoran).
  • Hadii aanad ku qanacsaneyn daaweyntaada, waxaad weydiisan kartaa fikrad kale oo dhakhtar dhimirka.

Caawimada bulshada

Xarunta maalinta

Waa laga yaabaa inaanad shaqeyneyn, ama ay kugu adegtahay inaad shaqada ku laabato. Xataa sidaas haday tahay waxa fiican in maalitii la baxo oo wax la qabto.

Dad badan waxay si joogto ah u tagaan cosbitaalka. Xarunta maalinta, ama xarunta caafimaadkamaskaxda ee bulshada. Kuwaas waxay leeyihiin waxyaabo dhow ah oo aad qaban karto — caafimadkaaga dhis, waxyaabaha fanka ah sida sawirka iyo gabayada, waxbarashada ama shaqada oo aad ku noqoto. Waax noqon kartaa hadana qof waxqabad leh oo aad dadka kale wakhti la qaadan kartaa.

Adeegyada noocan ah oo dhami lagama helo meelaha qaarkood meesha ay jiri karto, malaha, xoog la saaraayo in dadka lagu daro waxqabadka 'caadiga' ah ee qo kasta, hadii ay lahaayeen dhibaatoooyinka maskaxda iyo hadii kaleba.

Barnaamijka shaqada

Kuwaasi waxay kaa ciiwin karaan inaad xirfadaada hore u sii mariso. Waxay inta badan la yeelan doonaan xidhiidh shaqaalaha iyagoo kaa gargaari kara markaad shaqada ku laabato. Hadii aanad caafimaad qabin mudo dheer, waxaad u baahan kartaa adeeg dheer oo daryelida ah.

Daaweynta far shaxanka

Kuwaasi waxay isticmaalaan waxqabadka farshaxanka si ay dadka uga caawiyaans:

  • hel habab badan oo aad dadka kale kula joogayso
  • sheeg oo fahan dareenka ay u suurto gali weydeu inay kalmado ku sheegaan
  • inaad hesho dareenka fiican ee waxaad aasaastey.

Waxqabdkan inta badan waxa loo sameeyaa koox ahaan.

Hoy la gargaaraayo

Taasi waxay noqon kartaa sariir qol ama dhisme uu joogo qof kaa caawiya dhibaatooyinkaaga maalilaha ah.

Barnaamijka Habka Daryeelka  ee loo yaqaan

CPA — Barnaamijka Habka Daryeelka (England & Wales kaliya)

Taasi waa hab lagu hubinaayo in dadka qaba shisoofrani ay helaan daryeelka iyo gargaarka iyaga ku haboon. Waxaan ka mid ah taas:

  • isku xidhe daryeel kaas oo ka masuul ah isku duba ridka dhamaan qeybaha kala duwan ee daryeelkaaga iyo daaweyntaada.
  • kulan oogto ah oo 3 — 6 biloodba. Taas adiga, isku xidhahaaga daryeelka, dhakhtarkaaga dimirka iyo cid kasta oo kale oo ku siinaysa daryeel iyo gargaar. Taas waxa ku jira qoyskaaga iyo daryeelahaaga.
  • qorshe daryeel oo si joogto ah loogu eego kulanada CPA-ga. Dib ayaa loo qoraa markasta adna waxaad heli nuqul aad ku ogolaanayso isbedelka.
  • qorsheha adiga ayaa lagugula sameyn doonaa kulamadaas ku sabsan waxa la sameynaayo hadii hadana aad dib u xanuunsato, ama ay dhibaato kugu timaaado.

Daryeelayaashu waxay lahaan doonaan qiimeyn baahidood ah oo maalin kasta ah.

Is caawimada

Baro calaamadaha hore ee aad ku xaqiijisanayso in aad soo xanuunsanayso, sida:

  • waxyaalaha maallin kasta sida cuntadaada ood ka tagto. Walwal aad dareemayso ama aanad seexan.
  • dadka kale ayaa ogaan doona in aanad dan ka yeelan badelaada dharkaaga, gurigaaga nadiifin ama aanad cunto sameysan.
  • calaamadaha yaryar — waxaad dareemaysaa in aad wax ka shakisan tahay ama aad ka baqanayso ama warwar ku soo galo ku sabsan ujeedada dadka. Waxa laga yaabaa inaad maqasho codad si hoos hoos ah ama marmarka qaarkood ama ay kugu adkaato inaad ahmiyada wax saaarto.

Iska ilaali waxyaabaha aad ku sii xanuunsanayso, sida:

  • xaaladaha istareeska ku galiya sida dadka ood in badan aad la joogto (inkastoo la joogitaanka dadku ay ku caawin karto — hoosta fiiri).
  • isticmaalka daroogada suuqa.
  • warwar kaaga yimaada biilasha, adigoon caawimo ama talo weydiisanayn (eeg qoraalkan yar eek u sabsan deynta iyo caafimaadka maskaxda).
  • xurgusta qoyska, asxaabta iyo jaarka.

Baro hababka lagu raaxeysto

Hubi inaad si joogto ah u sameyso wax aad jeceshahay.

Hel habab aad ku maareynayso codadkaaga:

  • dad kale oo aad wakhti la qaadaneyso
  • is mashquulinayso
  • dhaqeysashada cajalada (TV-ga iyo raadyowgu waa ay caawiyaan laakiin waxa dhibsan kara qoyskaaga ama jaarkaaga.
  • xasuusi naftaada in codadkaagu aanay waxba kugu sameyn kareyn
  • xasuusi naftaada inaanay codadkaagu laheyn wax awood ay kugu maamulaan iyagoon kugu qasbi kareyn waxaanad rabin.

Ku biir kooxaha iyagu is caawiya ee dadka qaba khibrada la midka ah taada (hoosta eeg).

Hel qof aad aaminsan tahay inuu kuu sheego hadii aad hadana soo xanuunsato marlabaad.

Wax ka baro shisoofrani iyo adiga is daaweyntaada:

  • kala sheekayso kalkaalisadaada,shaqaalahaga caafimaadka maskaxda, dhakhtarkaaga dimirka – ama qof kale oo qaba shisoofrani
  • weydiiso macluumaad qoran oo ku sabsan cudurka lagugu sheegay iyo daawada
  • hadii daawadaadu aanay waxba tareyn, weydiiso daawooyinka kale.

Jidhkaaga ka shaqee. Dadka qaba shisoofrani waxay leeyihiin caafimaad ka xun ka dadka kale, sidaad daraadeed, waa mihiim inaad naftaada ka shaweyso:

  • isku dey inaad cunto cunto isku dheeli tiran, oo dhudrad iyo khudaar badan leh
  • isku dey inaanad sigaar cabin — sigaaarku waxa uu dhaawacaa sanbabkaaga, wadnahaaga, wareega dhiigaaga iyo calooshaada
  • same jimicsio joogto ah, xata hadii ay tahay 20 daqiiqo oo kaliya maalin walba. Jimicsi joogto ah oo xoogan (laban lab garaaca wadnahaaga ilaa 20 daqiiqo saddex jeer todobaadkii) ayaa kor u qaadi karta jawigaaga.

Hadii ay joornaalada, raadyowga ama TV-ga ku jiran waxyaabo aan sax aheyn ama qoraalo waxyeelo ah oo shisoofrani  ku sabsanin, waxba ha ka soo qaadin, firfircoonow. Warqad u qor, emayl u qor una sheeg meesha ay iyagu ku qaldan yihiin. Taasi way shaqeysaa!

Iska ilaali daroogada suuuqa

Qoysaska loogu talo galey

Waa ay adkaan kartaa in la fahmo waxa dhacaaya hadii wiilkaaga, gabadhaada, ninkaaga,  xaaska walaalkaa ama walaalshaa ay ku dhacdo shisoofrani, Marmarka qaarkood cidna ma aqoonsato waxa qaldan.

Maxaad

adigu arkeysaa?

Qoyskaagu waa uu noqon karaa mid si kale ah. Qaar kaa durka ama qaar kalia ka duwan sida ay ahaan jireen. Waxa laga yaabaa inay isku ilaaliyaa xidhiidhka dadka oo ay dhaqdhaqaaqa yareeyaan. Hadii ay qabaan fikradaha khiyaaliga ah. Laakiin waa laga yaabaa inay iskaga aamusaan hadii ay codad maqlayaan, waxay si kadis ah u eegi meel kale sidii oo ay qof kale la sheekeysanayaan. Markaad la hadasho, wax yar ayay ku odhan, ama waa ay adkaan in la fahmo. Dabeecad hurdadoodu waa ay is badali iyagoo habeenkii oo dhana soo jeeda maalintiina oo dhana hurda.

Dhalinta da’da yar waxaad is odhan tani waa inay mucaarid noqdaan oo kaliya uun, waxay u dhici kartaa si tartiib tartiib ah iyadoo marka aad dib u eegto uun aad ogaan xiliga ay bilaabmatey. Waa ay adkaan kartaa in khaasatan la ogaado isbadeladaas xiliga dhalinyaranimada, marka dadka yaryari ay ad isku badelayan.

Maxaa qaladkeyga ah?

Waxa laga yaabaa inaad adigu is canaanato 'Maxaa qaladkeyga ah?'  Waxaad ka firi in qof kale oo qoyska ah ay tani ku dhici doonto, waxa uu mustaqbalku keeni doono, iyo sida ay caawimada ugu wanaagsan u helio doonaan.

Miyaan la hadli karaa

kooxda caafimaadka maskaxda?

Qoysaska inta badan waa laga reebaa wada hadalka iyadoo laga warwaraayo sir haynta. Taas maaha inay sidaas ahaato. Dadka qaba shisoofrani waxay inta badan la nool yihiin ama gargaara qoyskooda. Sidaas darted waa in qoysku haystaa macluumaadka u sahlaaya inay sida ugu fiican u daryeelaan. Xataa hadii qofku aanu rabin in qoysku ka qeyb qaato taas, waxa uu qoysku wali u sii sheegi karaa kooxda caafimaadka maskaxda kolba wixii dhacaaya.  
Qoysasku waxa ay xaq u leeyihiin caawimada iyo macluumaadka ay u baahan yihiin, iyo baahida ah inay  kooxda caafimaadka maskaxda dhageysato warwarka iyo walaacoodaba.

Gudiga Boqorada ee daryeelayaasha (The Princess Royal Trust for Carers) iyo Kuliyada Boqortoyada ee Dhimirka (Royal College of Psychiatrists) ayaa daabacey liisto la eegaayo oo qoysaska loogu talo galey, si ay u helaan waxay u baahan yihiin inay ogaadaan. Qaar badan oo ururada samafaalka ah oo qaabilsan shisoofrani ayaa bixiya macluumaad muhiim ah iyo gargaarba (eeg hoosta).

Maxaan sameyn karnaa?

Qoysasku waxay iyaguna u baahan yihiin talo. Maxay u baahan yihiin inay sameeyaan? Shisoofrani waxay keentaa u nuglaanshaha istareeska, sidaas daraadeed waxa fiican in la iska ilaaliyo muranka oo la is dajiyo – malaha taas oo dhibyar in la sheego laakiin adag in la qabto!

Waxa qaladka laga aaminsan yahay

Miyeyna shisoofrani aheyn shakhsiyad kale oo qofka?

Maya. Dad aad u badan ayaa aaminsan in qofka qaba shisoofrani uu ahaan karo qof caadi ah xaalad, isagoo xaalad kale isku badali doona qof kale. Taasi maaha dhab.

Dadka waxay qalad u adeegsan karaan kalmada 'shisoofrani' laba siyoodba:

  • Iyadoo leedahay dareen isku jira ama iska hor imaan kara oo wax ku sabsan. Tasi waa wax binu0.-aadamka u caadi ah – kalmad aad ugu haboon waa 'labac labacleyn'.
  • In qof uu si kale duwan u dhaqmo xiliyada kala duwan. Mar labaad taasi waa mid ka mid ah dabeecada dadka.

Miyaaney shisoofrani dadka ka dhigin khatar?

Dadka ay ku dhacdo shisoofrani caadiyan maaha khatar. Wixii dabeecad khatar ah waxa keena daroogada suuqa ama khamrada. Taasi waxay la mid tahay xaalada dadka aan qabin shisoofrani oo kale.

Iyadoo ay jiro khatar badan oo dabeecad dagaal ah hadii aad qabto shisoofrani, aad ayay u yar taha marka la garab dhigo saameynta daroogaa iyo khamrada ee bulshadeena inteeda kale. Dadka qaba shisoofrani ayaa aad uga khatar badan in dadka kale dhibaan marka la gara dhigo inta ay iyagu dadka kale dhibayaan.

Marna lagama bogsado Shisoofrani

4-5 qofba hal qof oo qaba shisoofrani ayaa si buuxda uga bogsada, kuwa kale oo ilaa 3 ah 5-tii qofba oo qaba shisoofrani ayaa la caawin doonaa ama daaweynta ku roonaan doona.

Caawimoda dheeraad ah

Fikraaha shakiga

Bogan waxa ku jira baqdinka aan salka laheyn ama aadka u badan ee dadka kale.

Xanuunka Maskaxda ee Rethink

Khadka caawimada: 0300 5000 927.

Ururka samafalka qaranka ee caawiya xanuunka maskaxda ee xun, iyo qoysaskooda iyo daryeelayaashooda.

GargaarkaMind ee Scotland

Tel: 0131 662 4359; Fagas: 0131 662 2.289; mailto:info@supportinmindscotland.org.uk

Ka shaqeeya sidii kor loogu qaadi lahaa saxada iyo heerka nolosha ee dadka ay saameysay xanuunka maskaxda, taas waxa ku jira dadka ah qaraabada iyo daryeelayaasha iyo gargaar bixiyayaasha.

Mind

Khadka caawimada: 0300 123 3392: mailto:info@mind.org.uk

Waxay daabacaad qoraalo kala duwan oo dhinac kasta oo caafimaadka maskaxda ku sabsan.

With thanks to the Greater Glasgow & Clyde Mental Health Services  for allowing the Royal College of Psychiatrists to post this translation of the Royal College of Psychiatrists' Help is at Hand leaflet on Schizophrenia.

Read more to receive further information regarding a career in psychiatry