La tacaalida dhacdo naxdin leh ka dib
Coping after a traumatic event
Below is a Somali translation of our information resource on coping after a traumatic event. You can also view our other Somali translations.
Descargo de responsabilidad
Macluumaadkan waxaa loogu tala galay qof walba oo dhacdo naxdin leh ku dhacdey ama caawinaya qof dhacda naxdin leh la kulmay.
Waa maxay dhacdo naxdin leh?
Dad badan ayaa noloshooda oo dhan la kulmi doona dhacdooyin naxdin leh. Ku dhawaad seddaxdii qofba qof ee England ku nool ayaa sheegaya inay ku dhaceen ugu yaraan hal dhacdo naxdin leh oo weyn intay noolaayeen.
Hoos waxaa ku xusan tusaalooyin dhacdooyin naxdin leh oo guud caadi ah. Waa muhiim inaad xasuusnaatid in kuwani ay yihiin tusaalayaal uun. Waayo-aragnimo kale oo badan ayaa sidoo kale noqon kara kuwo naxdin leh. Haddii waayo-aragnimadaada aan halkan lagu xusin, haddana waa mid sax ah oo muhiim ah, waana inaad raadsataa caawimaad iyo taageero.
Dhacdooyinka naxdinta leh waxaa ku jira kuwan, balse iyaga keli kuma koobna:
- inaad aragtid qof dhimanaya ama aad moodid inaad naftaadu dhimanayso
- inaad si xun u dhaawacantid
- inaad la kulantid xad gudub galmo
Waxaad dhacdo naxdin leh ula kulmi kartaa mid ka mid ah kuwan soo socda:
- Toos – inay adiga kugu dhacdo
- Markhaati – inaad aragto qof kale oo ay ku dhacayso
- Ogaal – Inaad soo ogaatid inay dhacdadani qof aad kuugu dhow ku dhacday.
- Ku sigasho – inaad ku sigatid inay kugu dhacdo dhacdo aad mooday inay dhaawac halis kuu gaysan doonto, cabsi iyo natiijo xun ku keeni doonta balse aysan dhicin. Tusaale ahaan, cilad xun ama shil soo gaaray diyaaraddii aad adiga iyo rakaabka kalena u moodeen in diyaaraddu soo dhici doonto.
Waxaa sidoo kale ognahay dadka dhacdooyinka naxdin leh kula kulmay adeegsiga baraha bulshada, telefiishanka, filimada ama sawirrada inay ku dhacaan dhibaatooyin caafimaadka maskaxda. Tani gaar ahaan way dhacdaa haddii ay shaqadoodu sabab u tahay inay arkaan dhacdooyinkan.
Halka dadka qaar ay la kulmaan hal dhacdo oo naxdin leh, nasiib darro dad badan ayaa la kulma dhacdooyin badan oo naxdin leh.
Waxaa jira tirooyin badan oo dhacdooyin naxdin leh ah balse halkan waxaan ku xusnay tusaalooyin ka mid ah:
- inaad goob joog u noqotid geeri rabshad leh
- shilal halis ah, sida shil gaari
- xad gudub jireed ama galmeed ama tacadi
- caqabado caafimaad oo halis ah, daryeelka deg degga ah iyo dhacdooyinka kale ee naxdinta leh ee caafimaadka la xiriira
- waayo-aragnimada dhalmada ee adag ama nafta halis gelisa
- inaad lagaa helo xanuun noloshaada halis gelinaya ama noloshaada badalaya
- dagaal iyo colaad
- weeraro argagixiso
- musiibooyin dabiici ah ama ‘dad-samee’ ah, sida duufaano ama dab. Wax uu bani’aadam sameeyay waxaa looga jeedaa halkan wax qof ama koox dad ahi ay sababeen oon si dabiici ah u dhicin.
Dadka qaarkiis waxay ka shaqeeyaan shaqooyin ay u badan tahay inay kula kulmaan dhacdooyin naxdin leh. Shaqooyinkaas waxaa ka mid noqon kara kuwan:
- Shaqaalaha adeegyada gurmadka degdegga ah (sida booliiska, dab-damiska ama kalkaaliyayaasha caafimaadka)
- Shaqaalaha adeega bulshada
- Xirfadlayaasha caafimaadka (sida shaqaalaha daryeelka deg degga ama umulisooyin)
- Shaqaalaha milateriga iyo xirfadlayaasha kale iyo mutadawiciinta ka shaqeeynaya goobaha dagaalka
- Darawalada tareenada ee la kulma geeri inta jidka la saaran yahay
- Kormeerayaasha xirfadlayaasha ah ee maareeya ama hubiya waxyaabaha internet-ka onlaynka ah, kuwaas oo shaqadoodu ku jirto inay arkaan ama daawadaan waxyaabo murugo leh ama dhib badan
Sidee ayaan dareemi doonaa markay dhacdo naxdin leh igu dhacdo?
Qof walba si gooniya ayuu u dareemi dhacdooyinka naxdinta leh, qaabkaad adigana u dareemi doontid adiga ayay kuu gaar tahay. Si kastaba ha ahaatee, dhacdo naxdin leh ka dib, si guud dadku waxay u dareemaan qaar ka mid ah waxyaabahan soo socda:
Xasuuso, riyooyin iyo dib-u-xasuusasho naxdin leh
Waxaa laga yaabaa inaad leedahay xasuuso murugo leh, riyooyin ama riyooyin cabsi leh (qarow) oo ku saabsan dhacdadaas. Markaad soo jeedid, waxaa sidoo kale dhici karta inaad dhacdadii sidii ay dhacayso oo kale ula kulantid. Tan waxaa loo yaqaan dib-u-xasuusasho naxdin leh, waxaana dareemi kartaa sidii wax dhab ah oo si buuxda u dhacaya.
Inaad dareentid niyad jab markii dhacdada lagu soo xasuusiyo
Waxaa laga yaabaa inaad dareen ahaan kacdid markaad u dhawdahay meeshii dhacdadu ka dhacday ama aad ku sugan tahay deegaan kusoo xasuusinaya dhacdada. Waxaa suurtagal ah inaad mar walba ku baraarugsanayn marka dareenadaasii kugu kiciyaan iyo waxa soo kiciyey toona.
Ka fogaanshaha dareenada iyo xaaladaha
Waxaa laga yaabaa inaad ka fogaatid xasuusaha, fikradaha, dareenada, waxyaabaha, dadka iyo deegaanada dhacdadii kusoo xasuusinaya. Tan waxaa mar marka qaar loo yaqaan ‘Ka fogaansho’.
Luminta xusuusta
Waxaa dhici karta inaad qayb dhacdadii ka mid ah soo xasuusan waydid. Haddii aad isku daydo inaad xasuusato qaybo ka mid ah dhacdada, waxaa laga yaabaa inaad bilowdo inaad dareento go’doon kaaga yimaada naftaada ama adduunka kugu hareeraysan. Tan waxaa loo yaqaan ka go’id.
Dareenada adag
Kuwani waxaa ka mid noqon kara:
- fikradaha xun ee naftaada, dadka kale iyo dunida aad ka qabto
- ku eedaynta naftaada iyo dadka kale wixii dhacay
- cabsi, walwalka, argagax, xanaaq, is eedeyn, ama ceeb xoogan. Waxaad dareemi kartaa u xanaaqid dadka kale ama naftaada, xitaa haddii midkiinba uusan sameyn wax khalad ah.
- inay kugu adkaato dareemida farxada, qanacsanaanta ama jacaylka aad dadka kale u qabto
Isbadelo ku yimaada habdhaqankaaga
Kuwani waxaa ka mid noqon kara:
- inaadan samayn ama aad ka xiiso dhacdo waxyaabihii aad ku raaxaysan jirtey
- inaad dareento inaadan rabin oo aad ka dheeraanayso dadka kale
- inaad u dhaqantid hab caqli darro ah oo halis ah ama naftaada galaafan kara. Tusaale ahaan, aadida meelaha khatarta ah amase deegaanada colaadeed
- inaad u xanaaqdo ama u gacan qaado dadka iyo walxaha
- inaad saa’id u feejignaato, oo waardiye iska hayso ama si fudud ay kaaga nixiyaan qaylada iyo dhaqaaqyada.
Qaar ka mid ah calaamadahan waxaa sidoo kale laga helo (ama ka muuqda) cudurka-Walbahaarka ee Ka Dhasha Dhacdooyinka Naxdin Leh (PTSD) ama PTSD adag. Si kastaba ha noqotee, lahaanshaha calaamadahaas kama dhigna in qofku qabo PTSD ama PTSD adag. Waa muhiim inaad ogaatid in dadka intooda badan ee la kulma dhacdo naxdin leh aysan ku dhicin cudurka PTSD. Hubaashii, dadka ugu badan ee la kulmay dhacdo naxdin leh waxay ogaadaan in saamaynta xun ee dhacdada ay iskeed iska tagto marka waqti la joogo.
Mudo intee le’eg ayay qaadataa in dareennadani tagaan?
Maadaama aan dhammaanteen nahay kuwo gooni ah, ma jiro mudo go’an oo looga bogsado ama looga soo kabto dhacdadii naxdinta lahayd. Waxay qaadan kartaa maalmo, usbuucyo, bilo ama xitaa sannado in kama danbaysa looga soo kabto dhacdo naxdin leh. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad ogaatid in dareennadaada adag ay yimaadaan oo tagaan intaad soo kabanayso.
Haddii aad wali dareemayso murugo bil ka dib, laakiin waxyaabaha ay si tartiib ah u soo hagaagayaan, waxaa macquul ah inaad ka bogsato oo aadan u baahan daaweyn.
Si kastaba ha noqotee, haddii aad dareemayso murugo xoogan oo aan sinaba uga soo raynayn hal bil ka dib, ama uu weli jiro ka dib wax ka badan seddax bilood, waxaad u baahan tahay taageero xoogan. Tani waxay sidoo kale noqon kartaa calaamad muujinaysa inaad la kulmayso PTSD .
Maxaan sameeyaa haddii aan la kulmay dhacdo naxdin leh?
Halkan waxaa ku xusan waxyaabaha ay tahay inaad isku daydo sidoo kalena samayso ka dib markaad la kulanto dhacdo naxdin leh. Uma baahnid inaad dhammaantood hal mar wada samaysid.
Naftaada waqti sii
Waxay qaadan kartaa waqti si looga soo kabsado dhacdo naxdin leh. Waxay kugu qaadan kartaa mudo inaad aqbashid wixii dhacay ama la qabsatid inaad la noolaatid. Haddii qof kaa dhintay ama aad wayday wax qaali kuu ahaa, waxaa laga yaabaa inaad sidoo kale u baahato inaad u baroordiiqdo. Ha isku dayin inaad naftaada ku qasabto inaad isla markaaba rayn-rayn ka dareentid.
Ka sheekee dhacdadii
Markay dhacdo naxdin leh dhacdo waxaa badan inaad isku daydid inaad ka fogaatid wax walba oo kusoo xasuusinaya dhacdadii, sidoo kalena aad ka fogaatid ka hadlida wixii dhacay. Si kastaba ha noqotee, daraasaduhu waxay muujinayaan in ka hadlida dhacdadii iyo dareenadadaaba kaa dhigaan mid adkaysi badan leh. Ka fogaanshaha xasuusaha iyo dareennadii dhacdada waxaa la ogaaday inay dadka dareenadooda sii xumayso. Haddaan si kooban u dhahno, waa inaad isku daydaa inaad ‘ka fogaato ka fogaanshaha’.
La sheekayso dadka lasoo kulmay isla waxaas oo kale sida adiga
Way ku caawin kartaa inaad kala hadasho dadka kale ee la kulmay dhacdo naxdin leh ee aad adigu soo martay, ama kuwa leh waayo-aragnimo taada la mid ah. Si kastaba ha noqotee, dadku waxay uga bogsadaan una dareemaan siyaabo kala duwan dhacdooyin isku mid ah, marka ma jirto qaab la dhihi karo waa ‘sax’ ama ‘khalad’ oo looga falceliyo. Iskuday inaadan la barbar dhigin bogsashadaada tan dadka kale. Haddii aad awoodid inaad caawisid dadka kale ee dhacdadu ku dhacday, markaa taasi waxay noqon kartaa mid waxtar leh.
Si aad tan u samaysid, waa inaad raadisaa hay’ad u shaqaysa dadka dhacdooyinkaaga oo kale la soo kulmay. Waydii haddii ay jiraan fursado ‘taageero asaaga isku xaalad ah’ ama kooxo taageero. Waxaanu kuu soo jeedinay qormadan ama agabkan qaybaheeda danbe hay’ado ku anfici kara.
Taageero waydiiso
Taageero ka raadso saaxiibbada, qoyska, ama qof aad ku kalsoon tahay waxay kaa caawin karaan inaad si fiican uga soo kabato dhacdo naxdin leh. Waxaa laga yaabaa inay ku siiyaan taageero dareen ahaan, kaa caawiyaan hawlo wax ku ool ah, ama si fudud waqtigaaga kula qaataan iyagoo sameynaya waxyaabo ‘caadi ah’.
Isku day inaad sii xiriir la yeelato dadka aad ku kalsoon tahay
La joogitaanka dadka kale ayaa la muujiyey inuu yareeyo suurtagalnimada inaad la kulanto dhibaatooyin caafimaadka maskaxda ka dib dhacdo naxdin leh.
Haddii aad keli nooshahay waxaa fiican inaad asxaabta iyo qoyska waqti badan la qaadatid dhacdo naxdin leh ka dib. Waxaad sidoo kale samayn kartaa inaad asxaabtaada iyo qoyskaaga si ku meel gaar ah ula sii dagtid, iskastoo tani badanaa suurtagal ahayn. Haddii aadan dadka si kafool kafool ah waqti ula qaadan karin, isku day inaad si dhow iskala xiriirtaan telefoonka si cod iyo muuqaal ba leh.
Haddii aad ogaato inaadan kaligaa ahaan karin gebi ahaanba adigoon ka fikirin dhacdada, ka fiirso inaad la hadasho xirfadle ama dhakhtar.
Ku dhegganow jadwalkaaga caadiga ah
Waxay qaadanaysaa waqti inaad ku laabato nidaam jadwal oo maalinle ah oo la mid ah kan aad lahayd ka hor dhacdada naxdinta leh. Si kastaba ha noqotee, iskuday inaad weli isticmaashid jadwaladaadii hore inta aad awoodid, xataa haddii ay adag tahay marka hore.
Tusaale ahaan, dhacdada kadib waxaa dhici karta in jadwalkaaga cunista iyo jimicsigu is badalay oo aadan sidoo kalena si fudud u seexan karin. Isbadaladaasi waxay ku dareensiin karaan inaad fiicnayn, daalan tahay, ama aad gaajaysan tahay, kuwaasoo si xun u saamayn kara caafimaadka maskaxdaada. Haddii ay suurtagal tahay, isku day inaad si joogto ah u cunto oo jimicsi sameyso, isla markaana hurdo kugu filan hesho. Tani waxay kaa taageeri caafimaadka maskaxdaada. Halkan ka eeg qormadeena ama agabkeena seexashada fiican si aad macluumaad dheeri ah uga hesho.
Ka warqab sidaad dareemayso
Bilaha yer ee ugu horeeya dhacdada naxdinta leh ka dib, waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad fiiro gaar ah u yeelato sida aad dareemayso. Haddaadan kasoo raynayn, ama aad kasii xumaanayso, waa inaad la hadashaa dhakhtarkaaga guud (GP). Sidoo kale ka warqab habdhaqankaaga. Haddii jadwalkaagu in badan is badalay dhacdada ka dib (tusaale ahaan, haddii aad joojisay dad dhexgalkii) waa wax fiican inaad dhakhtar xirfad u leh kala hadasho.
Waydiiso caawinaad qofkaad u shaqaysid
Haddii aad kula kulantay dhacdo naxdin leh shaqadaada dhexdeeda, meeshaad ka shaqaysid waxay yeelan kartaa nidaamyo taageero oo ku caawin kara. Haddii aad dhacdada naxdinta leh kula kulantay shaqada banaankeeda, waxaad loo-shaqeeyahaaga u sheegi kartaa sidey wax kuugu dhaceen. Tani waxay siinaysaa fursadii ay kugu caawin lahaayeen sidoo kalena uga warqabi lahaayeen xaaladaada.
Waxaa sidoo kale waydiisan kartaa inay isbadal macquul ah ku sameeyaan meeshaad ka shaqaynaysid. Tusaale ahaan, hubinta in shaqadaadu aysan kugu keenin dhaawaca nafsiga ah ee naxdinta ama culeys daran dheeraad ah, ama inaad saacadaha shaqada wax ka beddesho. Eeg qaybta loo shaqeeyaha ee qormadan ama agabkan si aad wax badan uga ogaatid.
Naftaada ka taxadar
Dhacdada naxdinta leh ka dib dadku waxay u badan yihiin inay shilal galaan. Tani waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay in la kulanka dhacdo naxdin leh uu adkeeyo in diiradda la saaro, sidoo kalena uu kaa dhigo inaad si fudud u naxdo oo aad dareento xiisad. Taxadar gaar ah sii agagaarka guriga iyo markaad gaadiid wadid. Ka fogoow isticmaalka khamriga iyo maandooriyaha si aad isku iloowsiisid dhacdada naxdinta leh. In kasta oo ay ku dareensiin karaan fiicnaan muddada gaaban, waxay ka dhigi karaan soo kabashada mid adag mustaqbalka fog.
Ka fogoow daawashada warbaahinta badan oo ku saabsan dhacdada
Markaad dhacdo naxdin leh la kulantid ka dib, waxaa kuu fudud inaad u baahatid inaad wax badan oo dhacdadii ku saabsan ka daawatid ama ka akhrisatid baraha warbaahinta bulshada ama wararka. Way adag tahay inaad ka fogaatid haddii dhacdada la wada ogaa markaas. Tusaale ahaan, weerar argagixiso ama masiibooyin dabiici ah. Si kastaba ha noqotee, waxaa ugu wanaagsan in laga fogaado daawashada, dhegeysiga ama akhriska warbaahinta badan ee la xiriirta dhacdada, gaar ahaan haddii ay kuu keento walwal ama murugo.
Baraha warbaahinta bulshada, waad aamusin/cod ka-jari kartaa ereyada la xiriira dhacdada. Ama waxaad xadidi kartaa waqtiga aad ku bixisid isticmaalka baraha warbaahinta bulshada.
Tixgeli inaad raadsato caawimaad xirfadle
Ma aha inaad isla markiiba raadsato taageero xirfadle oo caafimaadka maskaxda ah ka dib markaad la kulanto dhacdo naxdin leh. Waxay faa’iido yeelan kartaa in marka hore la eego in xaaladdu iskeed u hagaagto.
Si kastaba ha ahaatee, haddii aad si joogto ah u dareemayso murugo ama dhib aad u daran, waxaa laga yaabaa inay ku anfacdo inaad la hadasho xirfadle si aad uga hadasho wixii kugu dhacay. Tani waxay si gaar ah u faa’iido badan tahay haddii aadan haysan saaxiib ama xubin qoys ah oo aad ku raaxaysato inaad la hadasho.
Waxaad weydiin kartaa dhakhtarkaaga guud (GP) inuu kuu gudbiyo ku daaweynta la hadalka, ama mararka qaarkood adiga ayaa si toos ah isu gudbin kara. Ama sidoo kale, waxaad dooran kartaa inaad hesho ku daaweynta la hadalka oo gaar ah. Haddii aad sidaas samayso, waa inaad hubisaa in daaweeyaha aad dooranayso uu leeyahay aqoonta iyo shahaadooyinka ku habboon ee lagu caawinayo dadka ay saameeyeen dhaawaca nafsiga ah ee naxdinta.
Goorma ayaan u baahanahay inaan raadsado caawimaad xirfadle?
Qof walba si kala duwan ayuu ula tacaalaa waayo-aragnimada dhacdooyinka naxdinta leh. Dad badan waxay awoodi doonaan inay ka bogsadaan dhacdo naxdin leh waqti ka dib, iyagoo kaashanaya taageerada qoyska, saaxiibada, iyo goobta shaqada.
Xitaa markaad ka bogsato dhacdo naxdin leh, waxaa laga yaabaa inaadan si buuxda u hilmaamin. Waxaa laga yaabaa inaad weli dareento dareeno xun oo ku saabsan, ama mararka qaar aad ka xanaaqdo markaad ka fikirto. Si kastaba ha ahaatee, dareenadani waa inaysan noqon kuwo kaa culus ama kaa hor istaaga inaad nolosha ku raaxaysato.
Waa inaad weydiisaa dhakhtarkaaga guud, ama xirfadle kale oo caafimaad, caawimaad haddii:
- Calaamadahaagu ay saameynayaan tayada noloshaada iyo
- ay u muuqdaan inaanay hagaagin
Haddii calaamadahaagu aad u xun yihiin oo ay saameyn weyn ku leeyihiin noloshaada ka dib hal bil, waa inaad la hadashaa dhakhtarkaaga guud.
Haddii calaamadahaagu aysan aad u xumayn laakiin ay jiraan in ka badan saddex bilood oo u muuqda inaanay tagayn, waa inaad la hadashaa dhakhtarkaaga guud.
Maxaa dhacaya haddii aan yeesho PTSD?
In kasta oo dad badan aysan la kulmin cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdooyinka naxdin leh (PTSD ) ka dib markii ay la kulmaan dhacdo naxdin leh, dad qaar ayaa la kulma.
PTSD waa xaalad caafimaad maskaxeed oo daran, mana aha calaamad daciifnimo. Taas bedelkeeda, waa natiijo la fahmi karo oo ka dhalata la kulanka wax naxdin leh oo aad u culus.
Dadka qaba PTSD waxaa laga yaabaa inay calaamado ka daran yeeshaan bilowgaba, waxaana ay dareemaan fikrado iyo dareeno murugo leh oo aan iskeed u tagayn. Calaamadahani waxay ka dhigi karaan qofka mid ku adkaata inuu noloshiisa ku noolaado sidii hore.
Waxaad wax badan ka ogaan kartaa calaamadaha, sababaha, iyo daaweynta PTSD adigoo eegaya qormada ama agabka PTSD ee aanu bixino.
Sidee caadi u tahay PTSD?
Sahamin qaran ayaa muujisay in hal qof oo ka mid ah 20 qof oo qaangaar ah oo ku nool England lagu ogaaday calaamado muujinaya PTSD . “Natiijo baaritaan” waxay ka dhigan tahay in qofku buuxiyay su’aalo lagu baarayo calaamadaha caafimaadka maskaxda si loo hubiyo jiritaanka calaamadaha PTSD. Jawaabahooda su’aalahan waxay muujinayeen in ay u badan tahay in ay qabaan PTSD .
Caawimaad xirfadeed oo noocee ah ayaa la heli karaa?
Haddii aad la kulantay dhacdo naxdin leh oo aad la tacaalayso dhibaatooyin joogto ah, ama haddii lagaa helo PTSD , dhakhtarkaaga guud (GP) ayaa kuu gudbin kara khabiir takhasus leh. Tani waxay noqon doontaa xirfadle daryeel caafimaad oo ku takhasusay caawinta dadka la tacaalaya ama la qabsanaya dhaawacyada nafsiga ah ee naxdinta. Tusaale ahaan, daaweeye dhimir ku salaysan dhaawaca nafsiga ah ee naxdinta.
Waxaa jira daaweyn kala duwan oo loo isticmaalo PTSD . Kuwaas waxaa ka mid ah daaweynta dhimirka (ku daaweynta la hadalka) sida:
- daaweynta garashada iyo dabeecadda ee diiradda saarta dhaawaca (TF-CBT)
- iyo Daaweeynta Dareenka iyo Dib-u-habeynta iyada oo la raacayo Dhaqdhaqaaqa Indhaha (EMDR).
Sidoo kale waxaa lagu siin karaa daawooyin lidka niyad-jabka (antidepressants):
- iyadoo lala socodsiinayo ama lala qaadanayo daaweynta dhimirka
- ama halkii laga qaadan lahaa daaweynta dhimirka
- haddii aad sugayso in lagu siiyo daaweynta dhimirka, ama haddii aysan heli karin
- haddii daaweynta dhimirka aysan adiga kuu shaqaynayn.
Waxaad wax badan ka ogaan kartaa dhammaan daaweyntan adigoo eegaya qormada ama agabka PTSD ee aanu bixino.
Ma dhakhtarkaygu wuxuu ii qori karaa daawo si ay ii caawiso inaan la qabsado?
Daawooyinka mararka qaar waxay waxtar leeyihiin ka dib marka la kulmo dhaawaca nafsiga ah ee naxdinta. Si kastaba ha ahaatee, arrintan waa inaad kala hadashaa dhakhtarkaaga. Waa in ay hubiyaan haddii daawada ay ku siiyeen ay kuu caawinayso, sidoo kale waa in ay si joogto ah u eegaan horumarkaaga.
Daawooyinka hurdada
Haddii aad la tacaalayso hurdo la’aan ka dib dhacdo naxdin leh, dhakhtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu kuu qoro daawo kaa caawinaysa hurdada. Tusaale ahaan, zopiclone ama zolpidem. Badanaa, waxa kaliya oo lagu siin doonaa daawooyinkan muddo gaaban maadaama aysan ahayn xal waara oo ay noqon karaan kuwo la qabatimo. Waxaad wax badan ka ogaan kartaa daawooyinka hurdada adigoo eegaya qormada ama agabka ‘Hurdo Wanaagsan’ ee aanu bixino.
Daawooyinka xaaladaha kale
Haddii ay kugu dhacdey PTSD ama xaalad kale, waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawooyin kale. Tusaale ahaan, haddii uu kugu dhaco niyad-jab (depression), waxaa lagu siin karaa daawooyin lidka niyad-jabka.
Sideen u taageeri karaa qof la kulmay dhacdo naxdin leh?
Waxyaabaha aad samayn karto
Waxyaabaha soo socda waxay caawin karaan in lagu taageero qof la soo maray waayo-aragnimo dhacdo naxdin leh:
Joog halkaas
U soo bandhig inaad waqti la qaadato. Haddii aysan doonayn inay ku arkaan, waxay caawin kartaa inaad u sheegto inaad weli la joogi doonto halkaas haddii ay beddelaan fikirkooda. In kasta oo ay tahay inaad ka fogaato ku cadaadinta, waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad weydiiso dhowr jeer ka hor inta aysan aqbalin taageeradaada.
Dhegayso
Isku day inaadan ku cadaadin inay la wadaagaan wixii ku dhacay haddii aysan dareemin inay awoodaan inay la wadaagaan. Haddii ay rabaan inay hadlaan, isku day inaad dhegaysato oo ha kala go’in, sidoo kale ha la wadaagin waaya-aragnimadaada gaarka ah. Inaad la wadaagto waaya-aragnimadaada adiga oo niyad wanaagsan leh waa la samayn karaa, laakiin mararka qaarkood waxay dareen ahaan u noqon kartaa mid aan sax ahayn qofka kale.
Weyddii su’aalo guud
Haddii aad su’aalo weyddiiso, isku day inaad ka dhigto kuwo guud oo aan xukun ku salaysnayn. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad weydiiso, ‘Ma kala hadashay qof kale arrintan?’ ama ‘Ma ku caawin karaa inaad hesho taageero dheeraad ah?’
U soo bandhig caawimaad wax ku ool ah
Waxaa laga yaabaa inay u arkaan daryeelka naftooda iyo raacitaanka jadwal maalinle ah inuu noqdo mid adag. Waxaad siin kartaa caawimaad wax ku ool ah, sida nadiifinta ama diyaarinta cunto.
Naftaada daryeel
Haddii aad taageereyso qof, hubi inaad adiguba daryeesho naftaada. Taageerida qof ku dhacdey dhacdo naxdin leh waxay noqon kartaa mid caqabad dareen ah.
Waxyaabaha laga fogaado
Inaad u sheegto inaad garanayso sida ay u dareemayaan
Xitaa haddii ay kugu dhaceen wax la mid ah, dadka waxay u dareemaan xaaladaha si aad u kala duwan. Waxay noqon kartaa mid aan waxtar lahayn in la sameeyo isbarbardhigyo. Xasuuso, xitaa haddii aad wax badan ka taqaan wixii qofka uu soo maray, waxaa laga yaabaa inuusan kuu sheegin wax walba. Sidaas darteed, isbarbardhigyadii aad samaynaysay waxay u badan tahay inay sax ahayn.
Inaad u sheegto inay nasiib leeyihiin inay nool yihiin ama dhaawacmin
Dadkii ku dhacdey dhacdooyin naxdin leh badanaa ma dareemaan inay nasiib leeyihiin. Dadku mararka qaar waxay dareemi karaan dembi ama ceeb sababaha soo socda:
- inay nool yihiin haddii dadka kale ay geeriyoodeen
- inaysan dhaawacmin
- ama inaysan u dhaawacmin sida dadka kale ay u dhaawacmeen.
Inaad u sheegto inay nasiib leeyihiin waxay ku dhiirrigelin kartaa inay isbarbardhigaan naftooda iyo dadka kale. Ama waxay ku keeni kartaa inay dareemaan ceeb ama xishood ku saabsan sida ay uga falceliyeen.
Yareynta wixii ay soo mareen
Ka fogow inaad soo jeediso inay xaaladu ka sii dari lahayd, xitaa haddii aad isku dayayso inaad ka dhigto inay dareemaan fiicnaan. Tani waxay dadka ka dhigi kartaa inay dareemaan in dareenkooda aan la xaqiijinayn ama aan sax ahayn.
Soo jeedinta talooyin
Ka fogow bixinta talooyin, xitaa haddii aad ogaatay in kuwaas ay adiga kuu shaqeeyeen waqtiyadii hore. Dadka oo dhan way kala duwan yihiin, qofka aad taqaanse waxaa laga yaabaa inuu horay isku dayay wixii aad soo jeedinayso. Haddii aadan hubin in qofka aad la hadlaysaa uu raadinayo talooyin, weyddii.
Sideen u noqon karaa loo-shaqeeye taageero leh?
Mararka qaar, dhacdooyin naxdin leh waxay dhacaan inta qofku shaqada ku jiro. Sida hore loo sheegay, qaar ka mid ah shaqooyinka waxay dadka ka dhigaan kuwo u badan inay la kulmaan dhacdo naxdin leh. Dadkii la kulmay dhacdo naxdin leh oo ka baxsan shaqada, jawi shaqo oo taageero leh wuxuu ka caawin karaa inta ay bogsanayaan.
Haddii aad tahay loo-shaqeeye, qof ama dad badan oo kaaga shaqeeya ay la kulmeen dhacdo naxdin leh, waxaa jira waxyaabo aad samayn karto si aad u taageerto:
Ka hadalka wixii dhacay
Haddii dhacdada naxdinta leh ay ka dhacday shaqada, waxay caawin kartaa in si furan looga hadlo dhacdada. Sidoo kale waxay caawin kartaa inaad u sheegto dadka kaaga shaqeeya meesha ay ka raadsan karaan taageero haddii ay la tacaalayaan dhibaatooyinka. Tusaale ahaan, dhakhtarkooda guud (GP) ama adeeg daaweyn ama la-talin shaqo, haddii goobtaada shaqo ay leedahay mid.
La socodka xaaladooda
La hadal qofka ama dadka aad shaqaalaysiiso si aad u ogaato sida ay dareemayaan. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad ogaato haddii ay helayaan taageerada ay u baahan yihiin, iyo inaad aragto wax kasta oo isbeddel ku yimaada. Ka taxaddar inaad aqbasho 'waan fiicanahay' jawaab ahaan haddii aad ka shakisan tahay in qof aanu fiicnayn. Gaar ahaan haddii dhaqanka qofka uu muujinayo inuusan fiicnayn.
Abuurista jawi taageero leh
Dhiirrigelinta xiriirada wanaagsan ee kooxaha waxay taageeri kartaa jawi wanaagsan oo goobta shaqada ah. Ku dhiirrigeli shaqaalaha inay ka qayb galaan aqoon-is-weydaarsiyada taageerada caafimaadka maskaxda ama ay isticmaalaan nidaamyada taageero ee goobtaada shaqada bixiso.
Samaynta wax-ka-beddel macquul ah
La hadal shaqaalahaaga si aad u ogaato wax-ka-beddelada macquulka ah ee shaqada ka dhigi kara inay raaxo badan dareemaan. Tani waxay ka mid noqon kartaa waxyaabo sida saacado shaqo oo la jadwalayn karo ama isbeddelo yaryar oo ku saabsan goobta shaqada. Had iyo jeer weydii shaqaalahaaga waxa ay u baahan yihiin halkii aad ka mala-awaali lahayd inaad taqaan waxa faa’iido u noqon doona.
Ilaali sirta
Waa muhiim inaadan wadaagin macluumaad ku saabsan dhacdadii naxdinta lahayd ee uu shaqaalahaagu soo maray haddii aadan haysan oggolaanshihiisa. Ilaalinta sirta waxay ka caawin kartaa abuurista jawi ammaan ah oo taageero leh.
Dhammaan tallaabooyinkan waxay saameyn fiican ku yeelan karaan caafimaadka iyo farxadda shaqaalaha.
Macluumaad dheeri ah iyo taageero
- Buug-yare ku saabsan la tacaalida walbahaarka ka dib dhacdo weyn (PDF), NHS – Buug-yare NHS ah oo loogu talagalay dadka ku lug lahaa ama saameyn ku yeeshay dhacdo naxdin leh.
- Guudmarka PTSD, NHS – Macluumaad ka socda NHS oo ku saabsan PTSD
- Guudmarka PTSD isku dhafan, NHS – Macluumaad ka socda NHS oo ku saabsan PTSD adag
- La tacaalida dhaawaca nafsiga ah ee naxdinta, Mind – Macluumaad ka socda hay’adda samafalka Mind oo ku saabsan la tacaalida dhaawaca nafsiga ah ee naxdinta
- PTSD, Mind – Macluumaad ka soo baxa hay’adda samafalka Mind oo ku saabsan PTSD iyo PTSD adag
- Saaxiibada iyo qoyska sidee bay u caawin karaan? Mind – Macluumaad ku saabsan sida aad u caawin karto qof aad taqaan oo qaba PTSD
- Xiriirada faa’iidada leh, Mind – Xiriirro hay’ado kale iyo ururo bixiya taageero dadka qaba PTSD
Khadadka caawimaadda
- Samaritans - Samaritans waa hay’ad samafal ah oo bixisa adeegyo dhageysi iyo taageero qof kasta oo u baahan.
- Shout – Shout waa adeeg fariimo qoraal ah oo bilaash ah, sir ah, kuna shaqeeya 24/7, qof kasta oo UK ku nool oo u baahan taageero ayuu u furan yahay.
Hay’ado samafal
Halkan waxaa ku qoran qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee bixiya taageero dadka la kulma PTSD ama dhacdooyin naxdin leh:
- PTSD UK – Hay’ad samafal oo UK ku taal oo u heellan kor u qaadida wacyiga ku saabsan PTSD
- Combat Stress – Hay’ad samafal oo UK ku taal oo u adeegta caafimaadka maskaxda ee askarta hore.
- Cruse Bereavement Care – Hay’ad samafal oo bixisa taageero dadka baroordiiqaya ee ku nool Ingiriiska, Wales iyo Waqooyiga Ireland
- Cruse Bereavement Care Scotland – Hay’ad samafal oo kor u qaadda caafimaadka iyo farxadda dadka baroordiiqaya ee Scotland
Rape Crisis – Waxaa jira saddex hay’adood oo samafal ah oo ka shaqeeya la-tacaalida tacaddiga galmada kuwaas oo taageera dadka UK oo dhan ee saameynta ka soo gaartay rabshadaha iyo xadgudubyada galmada:
Victim Support – Waxaa jira saddex hay’adood oo samafal ah oo taageera dhibanayaasha kuwaas oo ka shaqeeya guud ahaan UK, dadka dhibanayaasha ka noqday dambiyo iyo dhacdooyin naxdin leh:
Waxaa jira ururo badan oo taageera dadka soo maray waayo-aragnimo kala duwan, mana ku darin dhammaantood halkan.
Mahadnaq
Macluumaadkan waxaa soo saaray Guddiga Tafatirka Ka-qaybgalka Dadweynaha (PEEB) ee Royal College of Psychiatrists’. Waxay ka tarjumaysaa caddeymaha ugu wanaagsan ee la heli karo waqtiga la qorayay.
Mahad gaar ah waxaa u gudbinaynaa PTSD UK, kuwaas oo si naxariis leh uga bixiyay faallooyinkooda qormadan ama agabkan.
Tifatire khabiirka: Bare Sare Neil Greenberg
Khubarada khibradda ku saleysan: Autumn Foord, Brian Hayden and Ellie Wildbore
Tixraacyada buuxa ee qormadan ama agabkan waa la heli karaa marka la codsado.
This translation was produced by CLEAR Global (Apr 2026)